Latest News

Kayse-Daas Oo Noqday Dilaalkii Xamar Kusoo Ururiyey Dhalinyaradi Reer Somaliland Intii Aan Loo Dhoofin Dalka Eritrea

Muqdisho,January 22,2020(Haatufonline)-Sida lagu sheegay ararki u dambeeyey ee ku saabsanaa dhalinyaradi reer Somaliland iyo kuwi Somalia ee dawladda Xamar tababarka ciidan u geysay dalka Eritrea 2019 waxa hadda soo shaacbaxay in ninka la yidhaahdo Kayse-Daas ahaa dilaalkii Xamar kusoo ururiyey dhalinyaradaasi qaybtooda Somaliland.

Sida ku xusan barta uu maamulo Ibraahim Caydiid ee Al-Xaqiiqa,Kayse-Daas oo Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland xiligii nadaxweyne Riyaale ka ahaan jiray wasiir ku xigeen ayaa dhalinyaradaasi inti aan loo qaadin Eritrea ku ururiyey xero guush ku taala Hotel Wardhiiglay oo ku yaala magaalada Muqdisho isagoo ka wakiil ahaa madaxweynaha dawladda Xamar ee Farmaajo oo uu haatan la taliye ahaan mushahar kaga qaato.

Kayse-Daas oo hadda ku sugan Xamar ayaa xidhay telefoonkiisii kadib markii uu ka jawaabi kati waayey suaalihii dadkii caruurtaas dhalay ee waydiinayeen bal in uu u sheego halkay ubadkoodi ku dambeeyeen.


Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*