Latest News

Kenya Oo Ka Dalbatay Soomaaliya In Baadhitaan Lagu Sameeyo Sababta Keentay Burburka Diyaaradda African Express Airways

Nairobi, May 5, 2020 (Haatuf) – Kenya ayaa ka codsatay Soomaaliya inay baadho sababta keentay inay soo dhacdo duyuurada African Express Airways oo laga leeyahay dalka Kenya, taasoo shalay ku dhacday meel ku dhow garoonka diyaaradaha Bardaale.

Diyaarada ayaa siday sahay gargaar caafimaadka iyo qalabka loo adeegsado Covid-19, waxaana ku dhintay dhammaan lixdii qof ee saarnaa.
Farriinta ay u dirtay Muqdisho, ayay Nairobi codsatay in si deg deg ah baaritaan loogu sameeyo shilka, iyadoo ka digaysa inay arrintaan waxyeelo u geyso gaarsiinta gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya.
Kenya waxay boorisay diyaaradaheeda iyo kuwa gobolka inay kordhiyaan feejignaan dheeri ah marka loo fiiriyo duruufaha ku xeeran dhacdadan.
Wasaaradda Arimaha Dibadda Kenya iyadoo la shaqeynaysa hay’adaha kale waxay ku baaqday in si dhaw loola socdo baaritaanka dhacdadan naxdinta leh.
Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya Maxamed Salaad Oomar ayaa sheegay in dowladdu u dirayso unug baaritaan iyagoo kaashanaya kaalmada caalamiga ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*