Latest News

Kenya Oo Xidhay Xuduudaha Ay La Leedahay Dalalka Tansaaniya Iyo Soomaaliya

Nairobi, May 17, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa mamnuucay dhaqdhaqaaqa xuduudaha ay la wadaagaan dalalka Tansaaniya iyo Soomaaliya si looga hortago faafitaanka cudurka coronavirus.

Hase yeeshee Madaxweynaha dalka Kenya ayaa xanibaadan dhinaca xuduudaha ay la wadaagaan labadaasi dal waxa uu ka reebay gawaadhida xamuulka, waxaanu tilmaamay in dirawalada laga baadhi doono cudurka COVID-19.

“Waxa jiri doona in la joojiyo dhaqdhaqaaqa dadka iyo gawaadhida rakaabka ee ka baxa Kenya iyo kuwa ka soo gala xadka caalamiga ee Kenya ay la wadaagto Tansaaniya,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyey telefishinka dalkiisa.

Tallaabooyin isku mid ah ayaa lagu dabaqi doonaa xadka ay la wadaagaan Soomaaliya, ayuu intaasi sii raaciyey Madaxweynaha Kenya.

Kenyatta ayaa sidoo kale 21 maalmood ku kordhiyay bandowga xayiraada dhaqdhaqaaqa gudaha iyo dibadda aagagga Kenya ee uu ka dillaacay coronavirus.

“Waan ogahay inay jirto cadaadis sii kordhaya oo caalami ah oo ku saabsan tallaabooyinka ka dhanka ah cudurkan iyo dhammaanteen inaan ku soo noqonno habnololeedkii caadiga ahaa,” ayuu yidhi.

“Waxaan sare u qaadi doonnaa difaaceena annaga oo adeegsanayna tallaabooyin ka hortag ah oo maxalli ah,” ayuu yidhi Uhuru.

Dalka Kenya ayaa laga diiwaangaliyey 830 qof oo qaba cudurka Coronavirus.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*