Latest News

Kenyatta Oo Maanta Nairobi Kula Kulmay Wasiirka Khaarajiga Masar Kana Baaqday Socdaalkii Kinsasha

Nairobi,April19,2021(Haatufonline)-Madaxweynsha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta xafiiskiisa kusoo dhaweeyey wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Samex Shukri oo booqasho ku yimid dalka Kenya taasoo ka mid ah socdaal u ku marayo 6 dal oo Afrika ku yaal.

Madaxweyne Kenyatta ayaa waxa la filayey inuu shalay gaadho caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Ah ee Kongo(DRC) ee Kinsaasha si uu ula kulmo madaxweynihii horee Somalia Farmaajo oo isagu shalayba halkaas gaadhay.Dawladda Qadar oo sheerar ku leh shirkado batroolka baadha oo rukhsad u haysta inay shidaal iyo gas ka baadhaan biyaha badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Somalia ayaa madaxweynaha DRC ku qancisay mar uu dhawaan booqday Dooxa inuu dhexdhexaadiyo Kenya iyo Somalia oo lasoo celiyo xidhhiidhkoodii diblomaasiyaded isla markaana ay murankooda badda wadahadal ka baxsan Maxkamadda Aduunka ku dhameystaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*