Latest News

Koomishanka Cusub Ee Doorashooyinka Somaliland Oo Soo Dhaweeyey Heshiiskii Xisbiyada Iyo Xukuumadda

Hargeisa, March 10, 2020 (Haatuf) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland waxa uu shalay oo ay bishu tahay 9ka March 2020 xafiiska Komishanka ku qaabilay Safiirka EU-da, Mudane Nicholas Berlanga iyo safiirka Sweden, Mudane Staffan Tillander oo ayaamahanba safar shaqo u joogay Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeedada kulankan ayaa ku saabsanayd; 1) arrimaha doorashada iyo sidii wadanka ay uga qabsoomi lahaaayeen sanadka 2020 doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo dhawr jeer soo muddo dhaafay, iyo 2) sidii looga midho dhalin lahaa heshiiska saddex geesoodka ahaa ee ay xisbiyada qaranku ku kala saxeexdeen Madaxtooyada Somaliland 27kii February 2020.

Xubnaha waftiga ayaa tilmaamay in ay hadda kalsooni ku qabaan in dhamaan dhinacyada kala duwan ee heshiiska ku midoobay ay diyaar u yihiin hirgalinta iyo ka midha dhalinta heshiiska ka dhashay dedaaladii dhexdhexaadinta ee muddada soo socday.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu dhankiisa soo dhaweeyay heshiiska qaran waxaanuu tilmaamay in uu diyaar u yahay sidii uu dhinaciisa uga fududeyn lahaa in heshiiskaasi hirgalo isla markaana doorasho ka dhacdo dalka sanadka 2020.

Ugu danbeyn kulankaasi wuxuu ku soo dhamaaday Is afgarad iyo in wada shaqayn joogto ah ay dhex mari doonto Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Beesha Caalamka oo ay matalayeen labada safiir.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*