Latest News

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud Ee QM U Qaabilsan Bani-aadanimada Ee Soomaaliya Oo Yimid Somaliland

Hargeysa, (Haatuf) – Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isu-duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadanimo ee Soomaaliya ayaa booqasho ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ku leedahay Hargeysa, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Md. Adam Abdel moula oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa booqasho ku yimid Somaliland 27kii ilaa 29kii January isagoo kulano la qaatay xukuumadda kuwaas oo ku saabsan arrimaha bani’aadanimada iyo hadafyada mudnaanta u ah horumarinta Somaliland.

Wuxuu sidoo kale kulamo la mid ah la qaatay hay’adaha aan dawliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay.

Adam wuxuu ka shaqayn jiray Hargeysa muddadii u dhaxaysay 1999  ilaa 2002, hase ahaatee safarkani waakiisii ugu horreeyey tan iyo intii dhammaadkii sannadkii hore loo magacaabay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isu-duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadanimo.

Md. Adam Abdel moula madaxda sare ee dawladda ee uu la kulmay waxa ka mid ahaa Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici”. Md. Abdel moula wuxuu hadalkiisa awoodda ku saaray sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha muddada dheer soo taagnaa: “Waxaynu ognahay in Somaliland iyo deegaanada ku hareeraysan ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqday iyo barakaca bulshadu” ayuu yidhi Adam. Wuxuu intaa raaciyey “Taasi maaha wax lala yaabi karo, laakiin waxa ka dhashay dhibaatooyin soo taxnaa ku dhawaad 20kii sanno ee ugu dambeeyey. Waxayna taasi innoo sheegaysaa in aynu u baahan nahay in aynu la nidaamno qaabab cusub oo aynu dhibaatooyinkaa wax kaga qabanayno.”

Kadib kulan uu Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay la qaatay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Xasan Maxamed Cali “Gaafaadhi” wuxuu yidhi “Waxaan rajaynayaa in aan dhakhso u soo noqdo oo aan kulano iyo falanqayn intan ka qoto-dheer la yeesho Xukuumadda oo aanu ka wada shaqayno arrimaha horumarinta iyadoo aanu hadda ku gudo jirno diyaarinta Hannaanka Wada-shaqaynta Qaramada Midoobay”.

Intii uu joogay Hargeysa, Md. Abdel moula wuxuu sidoo kale booqday mashaariic ay wadaan UNHCR, UNFPA iyo IOM..”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*