Latest News

M/weyne Biixi Oo Dalalka EU-da Ku Eedeeyey Inay Kala Qaybinayaan Somaliland Una Sheegay In Ciidamada Ay U Dhisayaan Somalia Loo Carbinayo La Dagaalanka Iyo Xasuuqa Somaliland.

Hargeysa,December 21,2019(Haatufonline)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uula hadlay wafdigi deeqbixiyeyaasha ee shalay madaxtooyada kula kulmay ee uu hogaaminayey safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia N.Berlanga iyadoo uu ku eedeeyey inay si ula kaca u burburinayaan hayadihi sharciga ahaa ee ka dhisnaa dalka Somaliland isla markaana dabada ka wadaan khilaafaad ka abuurma bulshada iyo axsaabta Somaliland dhexdooda.

Mr Biixi waxa kale oo uu dawladaha EU-da iyo Turkiga ku eedeeyey inay Somalia u dhisayaan ciidamo looga dan leeyahay in lagula dagaalamo Somaliland. Siday dad kulankaa goobjoog ahaa noo sheegeen madaxweynaha Somaliland waxa ka mid ahaa waxyaabihi uu wafdiga kula hadlay ee u yidhi ” khilaafaadkayga qayb weyn ayaad ku leedihiin oo idinkaa dabada ka wada,waxa doonaysaan inaad burburisaan dawladnimadayadii iyo wixi noo dhisnaa waxaana tusaale uu ah tan u dambaysay eed ku taliseen in aanu sharciyaga baalmarno “.

Isagoo hadalkiisii si watana waxa uu yidhi “Waanu ognahay in dalaka EU-da iyo Turkiga oo dal Nato ah ay ciidamo u dhisaayasn Somalia,waxa kale oo aanu ognahay in ciidamadaasi aanay aheyn kuwa lagula dagaalami doono Alshabasb balse loo carbinayo in lagula dagaalamo Somaliland oo mar dambe la nagu xasuuqo”.

Wafdiga deeqbixiyeyaasha waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliland hordhigay warbixin ku saabsan mucaawimada ay beesha caalamku siisay Somalia sanadkan taasoo kor u dhaafaysay 2 bilyan oo doolar halka ay Somaliland u fidiyeen waxan dhameyn 60 milyan oo doolar.

Sida la sheegay wafdigu iyagoo hoganaya ayey ka baxeen shirkii.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*