Latest News

“Maalin Kasta Qof Reer Somaliland Ah Ayay Xuquuqdiisa Meel Saxaafadu Kaga Dhacdaa” Wasiir Koore

Hargeysa, (Haatuf) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in maalin kasta saxaafadu ay meel kaga dhacdo xuquuqda qof reer Somaliland, isla markaana aanay ururada Saxaafada somaliland aanay ka hadal qoraalada website-yadu ay xadgudubka ugu gaystaan muwaadiniinta Somaliland, sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Warfaafintu.

Wasiir Koore oo hadal ka jeediyey kulan maanta lagaga tashanayey xeerka Saxaafada Somaliland ee la doonayo in la horgeeyo golayaasha dalka ayaa waxa uu ka dalbaday Wasiirku ururada Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ka midka tahay inay keenaan xogta dambiyada ay suxufiyiintu ka galaan dadweynaha, isla markaana aanay ku koobnaan oo kaliya inay suxufiyiinta difaacaan.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in aanu arag ururka SOLJA oo ka hadlaya qoraalada websiyada iyo qaar ka mid ah telefishanada dalku waxyaalaha ay ku hadlaan ee xadgudubka ku ah dadka oo ay soo bandhigaan, sida uu Wasiirku hadalka u dhigay.

“Xuquuqda aynu u baahanay ee qofka bani’aadamka ahi, xuquuqbaad leedahay ana xuquuq baan leeyahay, dalka dawladda ayaa ka masuul ah qofka muwaadinka ah, maalin kasta qof muwaadin ah oo reer Somaliland ah ayaa xuquuqdiisa meel saxaafadu kaga dhacdaa oo aanu ka akhrinaa website-yada, oo ay ku eedeeyaan isagoon maxkamadd gaadhin inuu dambigaa sameeyey, oo uu noocaa yahay, oo uu dambiile yahay.

Ma arag ururka SOLJA oo ka hadlaya website-yada iyo waxay qorayaal, Telefishanada qaarkood waxay ku hadlaan, ma arag suxufiyiinta oo leh ama ururada matala oo leh, cidaas ayaa dambi laga galay.

Waxa uu lahaa mar dhaweyd waxaanu soo gudbin doonaa suxufiyiinta dambiyadii laga galay, ma haysaan Somaliland xuquuqda Somalilanders-ka kale laga galay iyo dambiga ay saxaafadu ka gashay ma haysaan, ma la soo bandhigayaa. Ururada SOLJA iyo WIJA la mid ahi, maaha inay yidhaahdaan xigmadoodu inay yidhaahdaan suxufiyiinta uunbaanu u doodaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Cali Koore.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*