Latest News

Maamul Goboleedka Jubbaland Oo Dowladda Farmaajo Ku Eedeeyay Ku Xad-gudub Dastuur

Kismaayo, May 22, 2020 (Haatuf) – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa ku eedeeysay dowladda federaalka ee Somalia inay masuul ka tahay xaaladaha siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday gobolka, islamarkaana dowladdu ay jabisay dastuurka federaalka iyo kan Jubbaland.

War saxaafadeed uu soo saaray maamul goboleedka Jubbaland ayaa lagaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee gobolka Gedo iyo isbadallo maamul oo mudooyinkii u danbeeyay uu gobolka ka waday gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland Cismaan Xaaji Nuur Macalimow, ayadoo ay ugu danbeeysay warqad magacaabis ah oo kasoo baxday xafiiska Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland oo maamul cusub oo uu gudoomiye ka yahay Cismaan Xaaji Nuur Macalimow loogu magacaabay gobolka Gedo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*