Latest News

Maamulka Farmaajo Oo Wafdigi Reer Somaliland Ee Mucaawimada Aadamanimo U Siday Baladweyn Ku Khasbay Inay La Kulmaan Oo Sawiro La Galaan

Muqadisho,December 23,2019(Haatufonline)-Madaxda xukuumadda Somalia ayaa siyaasadaysay socdaal ay u tageen dalka Somalia wafdi reer Somaliland ah oo siday mucaawimo gargaar ah oo loogu talo galay dadka reer Baladweyn ee ay daadaku dhawaan waxyeelada soo gaadhsiiyeen kadib marki ay raiisal wasaaraha Somalia Xasan Khayre iyo madaxweynaha dalkaasi ay wafdigi ku khasbeen inay labadoodaa goono gooni ula kulmaan oo ay sawiro la galaan. Wafdigan oo gaadhay magaalada Muqdisho maalinti doraad ayaa siday 600,000 Doolar oo Somaliland ugu yaboohday dadki reer Baladweyn ee ku tabaaloobay daadaka.

Xukuumadda madaxweynaha Somalia Maxamed Farmaajo oo ka warqabtay safarka wafdigan ka hor intii aanu u kicitimin dhinac Xamar ayaa imaatikiisii caasimadda Somalia si ula kas ah ugu soo beegtay shir ka furmay Muqdsho kadib marki ay wafdigu soo gaadheen halkaasi oo uu maamulka Farmaajo sheegay in lagaga tashanayo dardargalinta wadahadaladi Somalia iyo Somaliland iyadoo shirkaasi laga sheegay in dad Somaliland kasoo jeedaa ay xubno ka noqon doonaan gudida dhinaca Somalia u qaabilsan wadahadaladaasi taasoo ay Somaliland hore u sheegtay in aanay marnaba aqbaleyn.Sida la ogsoonyahay madaxweynaha Somalia ee xiligan ayaa ka baxay dhamaan qodobadi ay Somaliland iyo Somalia isku afgarteen ee heshiiska lagaga gaadhay kulamadi horee wadahadala ee qabsoomay xilyadi ay madaxtinimada maamulka Somalia ay hayeen Sheekh Shariif iyo Xasan SH Maxmuud.Shacbiga reer Somaliland oo marki horeba aan jeclaysan wadahadalada lala galayo Somalia ayaa waqtigan xaadirka si ba’an uga soo horjeeda in la sii wado.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*