Latest News

Maamulka Garowe Oo Dhalinyaro Kasoo Baxsaday Eritrea U Diiday Inay Ka Hadlaan Inamadii Ay Tababarka Ku Wada Jireen Ee La Geeyey Tigray

Garowe,June 10,2021(Haatufonline)-Koox dhalinyaro ah oo kasoo baxsaday xero ciidan oo ku taal dalka Eritrea oo lagu tababarayey askar Somali ayaa maanta ka waramay dhibkii soo maray ilaa iyo intay soo gaadhayeen deegaanka Puntland.Kooxdan oo ka mid ahaa dhalinyaro laga qaaday dalka Somalia oo la geeyey dalka Eritrea laba sano ka hor ayaa sheegay in mudadi ay tababarka ku jireen loo gaystay tacdi badan oo uu ka midyahay jidhdil taasoo ay u dulqaadan kari waayeen aakhirkiina ku kaliftay inay soo fakadaan.Waxa kale oo ay sheegeen in dagaal dhexmaray iyaga iyo Eriteriyaanka iyo inay dhibaatooyin kala kulmeen degaanadi Itoobiya ee ay soo dhexmareen.

Waxa seh xusid mudan in maamulka Garowe uu dhalinyaradan soo baxsadan u diiday imay ka hadlaan askarta Somaalida ah ee ay tababarka ku wada jireen ee loo qaaday gobolka Tigray ee ay Qaramada Midoobay xaqiijisay inay askar reer Somalia ahi ka qaybgaleen dagaalkaas ka socda gobolka Tigray.

 

Connect with us on Facebook