Latest News

Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Hambalyada Ciidul Adxa u diray Shacbi Weynaha Somaliland

Berbera, July 30, 2020 (Haatuf) – Maareeyaha Dekedaha
Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Shucuubta Islaamka meel kasta oo ay
joogaan uu dirayaa Hambalyada Munaasibada qaaliga ah ee

Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1441-ka
oo maalinta berri ah ku beegan.

Waxa kaloo uu Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid
Xasan Cabdilahi Hambalyada Ciidul Adxa u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka, Xukuumada Somaliland,
golayaasha Qaranka iyo weliba Asxaabta.

Sidoo kale, waxa uu Hambalyada Ciidul Adxa dirayaa
Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland meel kastoo ay joogaan, waxanu leeyahay
Sanaadkan sanaadkiisa ku gaadha bash-bash iyo barwaaqo, Ilahay ha inaga aqbalo
acmaasha wanaagsan ee Maalmahan khayrka badan.

Waxa kaloo uu Maareeyuhuu Hambalyada Farxada Ciidul Adxa
la wadaagayaa Shaqale-weynaha Dekeda Berbera meel kastoo ay joogaan,
Xasaaskooda iyo Caruurahoodaba. Waxanu u rajeeyey in Ilahay nabad-qab,Caafimaad
iyo Horumar ku gaadhsiiyo Ciida dambe.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial