Latest News

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Oo Ku Guuleystay Inuu Dekeda Berbera Usoo Iibiyo Pilot Boats Casriya

Ireland, (Haatuf) – Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo hada safar shaqo ku jooga dalka Ireland, ayaa Dekeda Berbera usoo Iibiyey Doon Casriya oo ah nooca loo yaqaana Pilot boat, oo ay kaxaysan doonan pilot-yada Reer Somaliland markay ka hortagayaan Marakiibta waaweyn ee kusoo xidhaysaa dekeda, halka ay markii hore kaxaysan jireen Laash-yar.

Doonta oo ah mid Heer-calamiya, ayaa wax-weyn ka taraysaa sumcada iyo hananka shaqo ee Dekeda Berbera, Doonta oo ah Pilot boat casriya, isla markaana aan nooceeda hore Dekeda Berberi u yeelan, ayaa kamid noqon doonta agabyada casriga ah ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi kusoo kordhisay Dekeda Berbera.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo sharax koobanka bixiyey baahida ay dabooli-doonto Doonta casriga ah ee hada uu kasoo Iibiyey dalka Ireland. Maareeye Siciid oo arimaha ka hadlaya waxa uu yidhi,

“Ilahaybaa mahad leh marka hore, marka labaadnaa Madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi, oo runtii ku suntan waxqabad iyo horumar, gaar ahaan Hayadda aan masuulka ka ahay, mudo laba sanadood gudahood waxanu keenay laba Taag oo casriya, Maanta oo ay Taarikhdu tahay 13, waxanu safar ku joognaa dalka Ireland, gaar ahaan Magaalo xeebeed, halkaasuu aanu kusoo tijaabinayno Pilot boat casriya, oo ay yeelan doono Hayada Dekeda Berbera, waxananu samaynaynaa tijaabadii waxana ila socda laba Xubnood oo khubuuro ah, kuwasoo aqoon dheerada u leh Pilot boat ka.

Waxan halkan Hambalyo uga dirayaa Bayloodada Jamhuuriyadda Somaliland dhamaantood, waxanan u sheegayaa inay ka raysan doonan Laashkii ay raaci jiraan, waxa ilahay Maanta inoo suurogeliyey inay Dekeda Berbera yeelato Pilot boat casriya, maadaama oo ay Bayloodadu yihiin ambassadorada ka hor taga Maraakibta”.

Geesta kale, sanaadkii 2018-kii, ayuu Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi ku guuleystay inuu dekeda Berbera usoo Iibiyo Taagii kowaad oo casriya, kaasoo ay ku badhaadhay Dekeda Berberi, isla markaana soo xidha maraakiibta waaweyn.

Sidoo kale, sanaadkan Cusub ee 2020-ka ayuu Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Taag labaad oo casriya kasoo Iibiyey dalweynaha Turkiga oo isaggu kaalinta koowaad kaga jira waddamada lagu sanceeyo taagaga casriga ah, Maareeye Siciid bil ka hor ayuu Dekeda Berbera usoo Iibiyey Taagaas labaad, kaasoo dhowaan soo gaadhi doonaa dalka, Waxana xusid mudan inuu taagaasi ka shaqayn doono Dekeda cusub ee la Filayo inay dhamaato sanaadkan 2020-ka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*