Latest News

Maayarka Hargeysa Oo Farriin U Diray Shaqaalaha Ajaanibka Ah Ee Caasimadda Ka Xoogsada

Hargeysa, (Haatuf) – Maayarka Magaalada Hargeysa,
Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa sheegay in Tallaabo laga qaadi
doono Dadka Ajaajibka ah ee Sharci la’aanta kaga shaqeeya Meheradaha ku yaalla
Magaalada Hargeysa.Maayarka oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa,
ayaa sheegay in iyagoo fulinaya Amarka Wasaaradda Shaqo-gelinta ee Arrimaha
Bulshada ay tallaabo ka qaadi doonaan Shaqaalaha ajaanibka ah ee Sharci-darrada
kaga shaqaysta Hargeysa.Maayarka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Annaga
oo fulinayna amarka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, Meherad
kasta oo ay ka shaqaynayaan Shaqaale ajaanib ah waa in Maamulada degmooyinka
Caasimaddu hubiyaan in Shaqaalaha Ajaanibka ahi haystaan Waraaqihii Sharciga
ahaa ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, taasi oo noqonaysa qof
kasta oo muwaadin ah oo Meherad furtay oo Shaqaale Ajaanib ahi u shaqeeyaan la
ganaaxi doono, haddii Qofka ajaanibka ah ee u shaqaynayaa aanu soo qaadanin
Warqadda sharciga ah..”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial