Latest News

Madasha Wadatashiga Oo Kasoo Horjeestay Muddo Kordhinta Baarlamaanka

Hargeysa, (Haatuf) – Siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga
Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka soo
horjeedsaday muddo kordhin Golaha Guurtidu ay laba sanadood ugu kordhiyeen
Golaha Wakiilada, halka Guurtida laftigooduna ay isku kordhiyeen mudo saddex
sanadood ah.

Sidoo kale Siyaasiyiinta Madasha Wadatashigu waxa ay
sheegeen in Madaxweyne Muuse Biixi uu aqbali waayey ergo maalmihii la soo
dhaafay ay ka dhexwadeen xisbiyada mucaaridka oo iyagu ku kala aragti duwanaa
xubno loo soo xulay komishanka doorashooyinka Somaliland.

Ugu Horayn Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah
siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu
yidhi “Xisbiyadii ma shaqaynayaan oo wixii ay ku khaldamaan Golihii
Baarlamaanku kama hadlayo, xukuumadiina waxaad moodaa inay isku afgarteen oo ay
ku heshiis yihiin mudda kordhintan labada gole.

Guurtida malaha todoba xubnood ayaa ka noolayd markii
iigu dambaysay kuwii la soo magacaabay, waxa laga dhigay in caruurtoodii ay
dhaxasho, sharci ay sidaasi ku qorantahayna ma jirto, markaa waxaan leeyahay
Golihii Wakiilada mudo xileedkooda waxay ka dhamaatay 2010-kii mudadii loo
dhaariyey xilka ee shanta sanadood ahayd, kolkaa ilaa wakhtigaasi waxay ku
fadhiyaan sharci daro,” ayuu yidhi Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi.

Sidoo kale Siyaasi Xasan Guure oo ka mid ah Siyaasiyiinta
Madasha Wadatashiga oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waa qalad
in la kordhiyo oo laba sanadood loogu daro, markaa Golihii Wakiiladu way
20-jirsanayaan, waliba waxaynaan hubin hadii labadan loogu daro inay doorashadu
qabsoomayso,” ayuu yidhi Siyaasi Xasan Guure.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial