Latest News

Madaweynaha Somaliland Oo Shacabka Iyo Bahda Saxaafada Ka Tacsiyadeeyey Marxuumad Shugri Xariir Ismaaciil Oo Ku Geeriyootay Hargeysa

Hargeysa, January 16, 2021 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, bahda saxaafadda, haweenka, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta iyo shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Marxuumad  Shukri Xariir Ismaaciil oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 16-01-2021, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumada ku sifeeyey marwo ka baxday dalka iyo dadkaba, door muhiimana ka soo qaadatay dhismaha warbaahinta, arrimaha bulshada iyo dalkaba, tusaalena u ahayd haweenka siyaasada daneeya.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumadda ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, bahda saxaafadda, haweenka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

 Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*