Latest News

Madaxda Tigrayga Oo Ku Hanjabay Inay Addis Ababa La Beegsan Doonaan Gantaalaha Ridada Dheer Digniinna U Diray Eritrea Inay Dekadda Casab Duqayn Doonaan Hadii Diyaarad Dambe Kasoo Kacdo

Mekele,November 15,2020(Haatufonline)-Madaxweynaha gobolka Tigray Debretsion Gabremichael ayaa ku hanjabay inay caasimadda Itoobiya ee Adisababa la beegsan doonaan gantaalaha ridada dheer ee ay haystaan kadib markii ay habeen hore gantaalahaasi oo kale ku weerareen labada magaalo ee Bahir Dar iyo Gondar ee ku yaala gobolka Amxaarada.

Tigrayga ayaa isla xalay digniin u diray madaxda dalka Eritrea in hadii ay diyaarad dambe oo kasoo duushay madaarka Casab ay duqayn u geysato bartilmaameedyo ku yaala gobolka Tigrayga ay markaas dekadda Casab ku baabiin doonaan gantaalaha ridada dheer.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*