Latest News

Madaxwaynaha Somaliland Oo Sheegay In Munaasibadaha 18-Ka May Iyo 26-Ka June Aan La Xusi Doonin

Hargeysa, May 3, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland,
Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in munaasibadaha 18 May Iyo 26 June aan
Sanadkan laga xusidoonin dalka xanuunka Covid 19 awgii.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sidaasi ka
sheegay Shir-saxaafadeed uu ku qabtay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka, waxaanu
kaga hadlay Xanuunka dunida aadka ugu faafaya ee Covid_19.

“Iyada oo xanuunnadaasi soo kordheen awgeed Waxan maanta
halkan ka sheegayaa in laba munaasibadood oo qaali ah oo aynu dabbaaldegi
jirnay 18-ka May iyo 26-ka June inaynaan sannadkan isu urur ugu
dabbaaldegaynin, isu soo bax ma jiro, dadkana meel ku ururin mayno, wixii
khudbado iyo farriin la gaadhsiinayona si gaar ah oo tan oo kale ah baa loogu
sheegi, waxana kalliftay xaaladda dalku maanta marayo iyo cudurka CORONA
VIRUS,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu si furan uga jawaabay
su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen weriyayaashii kala duwanaa ee munaasibadda
ku sugnaa, isaga oo sidoo kale warbaahinta ku hambalyeeyey maalinta saxaafadda
adduunka oo ku beegan maanta oo ay bisha May tahay 3-da.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial