Latest News

Madaxwayneyaasha Somaliland Iyo Soomaaliya Oo La Filayo Inay Ku Kulmaan Dalka Jabuuti

Hargeysa, June 13, 2020 (Haatuf) – Madaxweyneyaasha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ku kulmaya Dalka Jabuuti.

Kulankan oo bilow u noqonaya Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland waxa sidoo kale goob- joog ka noqonaya Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka soo shaqeeyay in kulankani dhaco iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti oo marti-qaadka sameeyay.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo muhiim ah, Labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya waxa Madaxweyneyaasha ku wehelinaya masuuliyiin sar- sare oo ka tirsan labada dhinac.

Dhinaca Somaliland, waxa la sheegay inay madaxweyne Biixi ay safarka Jabuuti ku wehelin doonaan Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Guurtida, Wakiillada, Wasiirrada Arrimaha dibedda, Ganacsiga iyo xubno kale oo muhiim ah.

Dhinaca Soomaaliya waxa Madaxweyne Farmaajo ku wehelinaya  safarka Raysal-wasaare Khayre, Wasiirro iyo Guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*