Latest News

Madaxweynaha Faransiiska Oo Booqday Ciraaq Ayaa Sheegay In Caqabada Haysata Dalkaasi Ay Tahay Faragalinta Shisheeye

Baqdaad, September 2, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo socdaal ku maraya dalka Ciraaq ayaa balanqaaday maanta oo Arbaca ah inuu taageero uu siin doono dalkaasi, waxaanu tilmaamay in caqabada ugu weyn ee dalkaasi haysataa ay tahay Kooxda Daacish.

Madaxweynaha dalka Faransiisku waxa kale oo uu sheegay in faragalin farabadani ay arimaha dalka ciraaq kaga imanayso dhinaca dibada taasina ay wax badan ka lumisay dalkaasi.

Waxaanu Madaxweyne Macron uu noqonayaa Masuukii ugu horeeyey ee booqda dalka Ciraaq tan iyo intii Raysal Wasaaraha Ciraaq Mustafa al-Kadhimi, oo hore u ahaa Madaxa Sirdoonka dalkaasi uu soo dhisay dawlada cusub bishii May, kadib markii Ciraaq ay gilgileen dibadbaxyo mudo saddex bilood ah ka socday dalkaasi oo lagaga soo horjeeday cunaqabataynaha, dagaalka, Musuqmaasuqa iyo dhibaatada dhaqaale ee ragaadisay dalka Ciraaq.

“Faragalinta dibadu waxay saamaysay dedaaladii socday ee dawladdiina,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Faransiisku, waxaanu intaasi ku daray “Saraakiisha Ciraaq waa inay sii wadaan oo ay wadaagaan aragtida dib loogu soo dabaalayo dalka Ciraaq iyo Madaxbanaanidiisa, waxaana muhiima in horumarka laga sameeyo gobolka oo dhan oo aydaan Ciraaq oo kaliya ku koobnaan, waxaan horayso iyo dambaysaba Faransiis ahaan aanu si buuxda u taageeraynaa Dhismaha Qaranka iyo hay’adaha dawladda ee dalka Ciraaq,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Faransiisku”.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*