Latest News

Madaxweynaha Galmudug Qooqoor Oo U Bahdilan 2 Milyan $ Oo Farmaajo U Balanqaaday

Muqdisho,April19,2021(Haatufonline)-Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Qooqoor ayaan wali cadaynin mawqifka uu ka taaganyahay muddo kordhintii 2da sanadood aheyd ee uu aqalka hoose ee baarlamanka Somalia ugu duugay madaxweynihii Somalia ee mudo-xileedkiisu dhamaaday bishii February 2021 Maxamad Cabdillaahi Farmaajo.

Siday ilo xogogaal ahi sheegeen Qoorqoor ayaa ka warwarergaya inuu mawqikiisa cadeeyo sababto ah waxa Farmaajo kaga xidhan 2 milyan oo doolar oo uu hore ugu balanqaaday inuu siin doono kadib markii uu Qoorqoor soo dalacday kharash ku qiimaysnaa labadaas milyan oo u usoo gudbiyey dawladda Federaalka si ay uga bixiso.

Hadaba Farmaajo oo isna ka cabsi qaba in Qoorqoor kasoo horjeedsado oo uu mucaaridka ku biiro hadii lacagtaas siiyo ayaa labadii milyan intuu kolba u lulo Qoorqoor aan hadana siinayn oo ilaa hadda warwareejinaya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*