Latest News

Madaxweynaha JSL Oo Daah-furay Mashruuca Lagu Hirgelinayo Aagga Cashuuraha Ka Caagan ee Dekedda Berbera

Hargeysa, (Haatuf) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay mashruuc ballaadhan oo lagu hirgelinayo Aagga cashuuraha ka caaggan ee dekedda Berbera oo maanta lagu kala saxeexday Somaliland.

Munaasibadda lagu daah-furayo mashruucan oo maanta lagu
qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala
qaybgalay shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxda shirkadda
DP World, safiirro ka socday dalalka deriska, madaxda xukuumadda u qaabilsan
gobolka Saaxil, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ganacsatada dalka iyo
marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u
qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo
kulanka lagu kala saxeexanayey heshiiska lagu gudo gelayo hirgelinta Aagga
cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn xukuumadda Somaliland iyo
shacabkaba uga mahadceliyey sida kalfurnaanta, walaaltinimada iyo xamaasadda
leh ee ay shirkadda ula shaqeeyaan, waxana uu caddeeyey inay shirkad ahaan ku
dhammayn doonaan sida uu yahay qorshahooda ay ku dhammaynayaan wejiga koowaad
ee dhismaha dekedda Berbera.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi oo isaguna hadal kooban ka jeediyey munaasibadda daah-furka hirgelinta
Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn dawladda Imaaraadka
Carabta iyo shirkadda DP World ugaga mahadnaqay maalgashiga ballaadhan ee ay ku
sameeyeen dekedda Berbera iyo sida walaaltinimada leh ee ay ugu dhiirradeen
inay mashruuc malaayiin Doollar ku kacaya ay ku aaminaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu bulshada u sharraxaya aragtida fog
ee xukuumad ahaan ay ka leeyihiin guud ahaanba mashruuca lagu hormarinayo
dekedda Berbera oo ay qayb ka tahay mashruuca maanta la kala saxeexday ee
hirgelinta Aagga Cashuuraha ka caagan, “Mashruuca Berbera Port aragtida guud ee
aynnu qaran ahaan ka leenahay waa inaynu ka helno koboc dhaqaale oo dalkeena
Somaliland iyo gobolka aynnu ku naallo iyo geeska Afrika caalamkana aynnu la
wadaagno, Himiladeennuna waa inay Barwaaqowdo Somaliland oo ay horseed u noqoto
bilowga dhismaha dekedda iyo waddada Berbera iyo madaarka Berbera oo isaguna
noqon doona madaar ganacsi oo caalami ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi
Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi waxa carrabka ku ballaadhiyey qodobadda lagama maarnaanka u ah hirgelinta
himilada fog ee qaranku ka leeyahay casriyeynta dekedda weyn ee Berbera, waxana
isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “si aynnu taas u hirgelinno waxa aynnu
u baahannahay dhawr qodob oo ka kala ah inaynnu helno kaabayaal dhaqaale oo
raandhiis leh, waddooyin, deked, isgaadhsiin, koronto ay dadka imanaya iyo
ummadaha caalamiga ahi isku hallayn karaan, waxa kale oo aynnu u baahannahay
inaynu helno dad aqoon u leh maamulka ganacsiga intaas le’eg ee caalamiga ah oo
Somalilanders ah.”

Ugu dambayntii waxa madasha lagu kala saxeexday heshiiska
lagu hirgelinayo Aagga Cashuuraha ka caagan ee Berbera, waxana kala saxeexday
Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga
dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo shirkadda DP World ee mashruucan
masuulka ka ah u saxeexay iyo wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda oo
xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland u saxeexay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial