Latest News

Madaxweynaha JSL Oo Ka Hadlay Xaaladda Xanuunka COVID-19 Ee Gudaha Somaliland, Bulshadana Ugu Baaqay Inay Qaataan Talada Dhakhaaatiirta

Hargeysa, May 3, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka hadlay
xaaladda guud ee dalka ka marayo ka hortagga iyo la dagaallanka xanuunka
COVID-19 iyo dedaallada ay xukuumaddu waddo, isaga oo sidoo kalena farriin u
diray shacabka reer Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula
hadlay xarunta wasaaradda horumarinta Caafimaadka, ayaa ugu horrayn shaaciyey
inay is beddeshay xaaladda xanuunka COVID-19 ee dalka, islamarkaana shacabka
looga baahan yahay inay feejignaan gaar ah galaan, una diyaar garoobaan
xaaladda cusub ee soo korodhay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,
“Qof kasta oo I maqlayaaba waa inuu maskaxdiisa sidii hore wax ka beddelo,
waayo waxa ina soo galay col aanad arkaynin oo hubkiisa aanad arkaynin oo
diyaaradaha wax garaaca iyo taangiga iyo qoriga iyo xabbaddaba ka kulul oo ka
dheeraynaya oo ka saamayn badan, wuxuuna la mid yahay dabka ka kaca kaymaha ee
markuu soo bilaabma wax walba jiidha.”

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in xanuunku gaadhay heer
loogu geeriyoodo gudaha Somaliland, filashaduna tahay in tirada uu asiibaa sii
badato marka la qabyo tiro agabka baadhista covid-19 oo la filayo inuu dhawaan
bilaabo shaqadiisa, “Waxaynu haynaa dhimasho, waxaynu haynaa inuu xanuunkii ina
dhex galay, waxa kale oo ay imika dhakhaatiirtu ii sheegayeen haddii aad hesho
qof uu cudurku saameeyey konton kale ayaa jira ee doon, waana qaaciido , ilaa
laba cisho gudahoodna waxa shaqaynaya baadhistii oo halkan lagu samayn doono,
marka baadhistaas la bilaabona waan hubaa inay tiro badani soo baxayso oo ah
inuu cudurkii inagu dhex jiro,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi waxa uu sheegay dedaalka xukuumaddu midho-dhal noqon karo oo kaliya marka
ay shacabka u dhego-nuglaadaan waanooyinka xukuumadda, islamarkaana aan marnaba
guul lagu gaadhi Karin muquunin iyo xoog, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya
uu yidhi, “Dawladdu waxa ay wax qabataa marka uu dadku maqlayo waxa loo sheego,
kuna toosin kari mayso haddii uu dhakhtarkii ku yidhi waxaas waad ku
dhimanaysaaye ka joog oo aad tidhaahdo aan ku dhinto miyaanu la mid ahayn nin
yidhi maanta waan is deldelayaaye I daa, markaa inaynu is waannino oo aynu
maskaxda beddelno mooyaane xoog isku muquunin kari mayno.”

Arrinta joojinta qaadka iyo dhibaatooyinka ka dhashay
ayuu madaxweynuhu si qoto dheer uga hadlay, waxana uu u qaadan waa ku tilmaamay
in qaybo badan oo bulshada kamid ahi u tago xaydato inay dalka kusoo geliyaan
sifo sharci-darro ah, “Waan filaayey kootarabaan iyo dad iyagu qaadka eryada,
laakiin maan filaynin in boqolkiiba soddon (30%) dad mujtamaca kamid ahi ay mar
qudha u dhaqaaqaan xaggee qaad yaallaa, mid gaadhi leh iyo mid lug ahba, waana
mushkilad kale oo inagu soo korodhay oo inaynnu dadkeenna ka badbaadino ah,”
ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi
Cabdi waxa uu baaq cilmiyeysan u diray culaamu’diinka iyo dadka gacanta ku haya
masaajiddada kala duwan ee dalka, waxana uu ugu baaqay inay xil iska saaraan
badbaadada bulshada iyo kala dheeraantooda inta lagu jiro xaaladda xanuunka
covid-19, waxana uu yidhi, “Culimadu waxay isku raacsan yihiin in Bani’aadamka
caafimaadkiisa la daryeello si loo helo Bani’aadam cibaadaysta, haddii uu
dadkiiba dhammaado yaa cibaadaysanaya, soo Muslimkiina daciif noqon maayaan,
dadkii diinta xambaarayeyna daciif noqon maayaan, diintu waxa ugu horreeya ee
ay daryeeshaa waa qofka Bani’aadamka ah ee Ilaahay khaliifka uga dhigay inaad ilaaliso
caqligiisa iyo caafimaadkiisa, haddii dhakhaatiirkii Muslimka ahayd ee dalka
kula deggenaa isku raaceen inuu xanuunkani ku faafayo masaajidka haddii jamaca
lagu soo ururo, markaad leedahay joojin maayo adigu ma dhakhtarkii baad tahay,
ma waxyi gaar ah baad haysataa, mise dadka inaad isku laysaa baad u
badheedhaysaa.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas
ku daray, “Dadka xanuunka laga helay imaamyo masaajiddada ka akhriyey tafsiir
baa kamid ah, tabliiq baa kamid ah, geel jiraa kamid ah, waxa lagu badbaadayaa
hallays ilaaliyo, culimadana waxan leeyahay waar yeynaan ku murmin wax aynu
isla oggollahay oo ah Bani’aadamka halla nabadgelyo, diintana sideeda dadka
halloo baro, laakiin dadka caafimaadkoodii idinku masuul kama tihidine dhakhaatiirtaa
ka masuul ah oo aynnu dhegaysanaynaa.”

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu shaaciyey in xanuunka
covid-19 awgeed la joojiyey munaasibadihii la qaban jirey 18-ka May iyo 26-ka
June, “ Iyada oo xanuunnadaasi soo kordheen awgeed Waxan maanta halkan ka
sheegayaa in laba munaasibadood oo qaali ah oo aynu dabbaaldegi jirnay 18-ka
May iyo 26-ka June inaynaan sannadkan isu urur ugu dabbaaldegaynin, isu soo bax
ma jiro, dadkana meel ku ururin mayno, wixii khudbado iyo farriin la
gaadhsiinayona si gaar ah oo tan oo kale ah baa loogu sheegi, waxana kalliftay
xaaladda dalku maanta marayo iyo cudurka CORONA VIRUS,” ayuu yidhi madaxweyne
Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu si furan uga jawaabay
su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen weriyayaashii kala duwanaa ee munaasibadda
ku sugnaa, isaga oo sidoo kale warbaahinta ku hambalyeeyey maalinta saxaafadda
adduunka oo ku beegan maanta oo ay bisha May tahay 3-da.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial