Latest News

Madaxweynaha JSL, Shir-Guddoonka Guurtida Iyo Wakiillada Iyo Hoggaanka Axsaabta Qaranka Oo Qodobbo Muhiim Ah Ka Hadlay

Hargeysa, April 9, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay hareero joogaan
shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud
Aadan iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka
ah ee WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng.
Faysal Cali-waraabe, ayaa maanta si wada-jir ah shacabka ula hadlay, waxana ay
si hufan oo xeeldheer uga hadleen wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo
cidda xaqa u leh inay ka hadasho, iyaga oo sidoo kale bulshada u diray fariimo
cadcad oo la xidhiidha badbaadada xanuunka COVID-19.

Madaxweynaha iyo madaxda kale ee qaranka ugu sarraysaa
waxa ay ugu horrayn bulshada ugu baaqeen inay qaataan awaamiirta iyo soo
jeedimaha guddigga ka hortagga xanuunka covid-19, islamarkaana ka fikiraan
badbaadooda iyo midda shacabkaba, iyaga oo sidoo kale digniin u diray
salaadiinta iyo madax-dhaqameedka maalmahan ku dhiirranaya inay ku mashquulaan
ka hadalka arrimaha siyaasadda oo ay bulshadu cid gaar ah u igmatay.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ka hadlay shirka jaraa’id ee madaxda
qaranku ku qabteen xarunta madaxtooyada, ayaa shacabka usoo jeediyey inay si
dhaw ula socdaan talooyinka guddida ka hortagga xanuunka covid-19, waxana isaga
oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shacabiga waxannu usoo jeedinaynayaa inaynu
u dhego-nuglaanno talooyinka guddida, cudurkuna wuu soo kordhayaa, waddama
aynnu jaarka nahay dadka uu saameeyeyna way soo kordhayaan, innaguna kama
duwannin ummadahaas kale ee taxaddarkeennu ha bato, taladana halla qaato,
xukuumadduna awaamiirta iyo talooyinka fulin haku darto.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal
Cali-waraabe, ayaa isaguna dhankiisa farriin u diray madax-dhaqameedka
siyaasadda ku milmay, waxana uu usoo jeediyey inay muhiimad gaar ah siiyaan
beelaha ay metelaan, waxana uu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya
“Salaadiinta waxannu leenahay salaadiintii aannu naqaanay reerahooday ka shaqay
jireen, niman aan ogaynba reerkoodu wuxuu kusoo noolaa, ayaa siyaasiyiinta
gelaya, salaadiin si fiican u hadashayna way jiraan.”

Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed
Faarax, ayaa soo dhaweeyey codsiga axsaabta mucaaridka ah iyo madaxweynaha oo
isku duubani golaha wakiillada u gudbiyeen ee nuxurkiisu yahay in mar kale
golaha lagu soo celiyo labadii xubnood ee ay hore kalsoonida ugu diideen,
waxana uu yidhi, “Goluhu waa xor oo wuu madax-bannaan yahay, laakiin waxannu
tixgelinaynaa xisbiyada, madaxweynaha iyo talada odayaasha, goluhuna markuu
fasaxa kasoo noqdo, haddii labadii hore la keenayo iyo haddii labo cusub la
keenayoba golaha wakiilladu diyaar bay u yihiin in labadii xubnood la keeno,
komishankuna inoo dhammaystirmo.”

Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu horrayn shacabka ugu baaqay inay
midnimadooda ilaashadaan, islamarkaana ka dheeraadaan taforaaruqa, waxana isaga
oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa qudha ee aynnu maanta dugsannaa waa
midnimadeenna, 29-kaa sannadoodna midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, ictiraaf
la’aanta midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, wax aynnu u noqonnayna ma jiro,
intaa aynnu isku duubannahayna wax ina yeeli karaa ma jiro,”
Guddoomiyuhu waxa uu farriin u diray madax-dhaqameedka siyaasadda ku hawlan,
waxana uu caddeeyey wixii wada-hadal ah ay bulshadu u igmatay madaxweynaha iyo
goleyaasha qaranka ee shacabku doortay, “Qarankani cid buu doortay, hawl walba
cid buu u doortay, madaxweynaha iyo ciddii uu talo moodo ayaa qarankan wax u
tidhaahda, labada golena uma yidhaahdaan, madax-dhaqameedow idinkuna uma
tidhaahdaan, aqoonyahan dibad meerayaana uma yidhaahdo, nin kale oo siyaasi
sheegtay oo meelahaas meermeerayaana uma odhanayo’e qaranka waxa u yidhaahda
madaxweynaha,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi oo goobta ka jeediyey hadal dhinacyo kala duwan taabanaya, ayaa ugu
horrayn shacabka uga mahadnaqay sida ay ugu dhego-nuglaadeen waanooyinkii ay
soo jeediyeen guddida ka hortagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19, waxana
uu ku dhiirrigeliyey inay muhiimad gaar ah siiyaan badbaadada nafahooda iyo
nafaha bulshada kale, isaga oo ganacsatada iyo qaybaha kale uu bulshadana kula
dardaarmay inay diyaar u noqdaan xaalad kasta oo soo korodha.

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa caddeeyey maqifka
Jamhuuriyadda Somaliland ka taagan tahay wada-hadal ay la gasho dhiggeeda
Soomaaliya iyo sida ay diyaar ugu tahay in fagaare loo wada dhan yahay lagu
garnaqsado, “Waxan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo haddii aanu Somaliland
nahay in la wada-hada oo soomaaliya oo hadalkoodu hore u furnaa, muddona aanu
hirgelin in la wada hadlo oo danta aanu isku haysanno iyo waxa naga dhexeeya
laga wada-hadlo oo wada-hadal lagu dhammeeyo, horena waanu u qaadannay haddana
waannu aaminsanahay, diyaarna waannu u nahay, waana mabda’iyan, ma nihin qolo
ka baqanaysa fagaare,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi, waxa uu meesha ka saaray tashuushka iyo hadallada sida habaqlaha ah
bulshada loogu dhex tuuray ee la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo
Soomaaliya oo shakhsiyaad gaar ahi sheeganayaan inay u tafo xaydatay ka midho
dhalintiisa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Arrinta Somaliland
wax la dhaqdhaqaajin karo ma aha, ninkaa intaa siyaasad ka daya ee kusoo daaya warbaahintuna
isaga ayey u taallaa, annaga ma jirto dawlad EGAD ah, ama caalami ah ama
Soomaaliya ah oo tidhi shir baynu qabsanaynaa ma qabsannaa, waqtigan imika ah
shir la qabtay iyo ballan la qaatay iyo cid rasmi ah iyo cid nala soo
xidhiidhay midna ma jirto, warkaasina waa war suuq.”

Madaxda dhaqanka, ayuu madaxweynuhu farriin u diray,
waxana uu usoo jeediyey inay u diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhasha dariiqyada
qalloocan ee ay marayaan, “Madaxdhaqameedka waxannu ka sugaynaa oo aannu ku
waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin
jireen, Hadduu ka baxo suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay
oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaargaroobo,” ayuu
yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hoosta ka xarriiqay inuu xil weyn iska
saaray ilaalinta midnimada iyo isku duubnida qaranka, islamarkaana uu
shir-guddoonka wakiillada ka codsaday in dib loogu soo celiyo xubnihii
mucaaridku usoo magacaabeen Komishanka ee hore kalsoonida u waayey, waxana uu
yidhi,“Waannu is aragnay labada shir-guddoon arrintaasna waannu ka
wada-hadalnay, waxannu isla afgaranay in marka goluhu fasaxa kasoo noqdo aan
kusoo celiyo labadii ay soo celiyeen, una waayo sheeganno golaha oo aannu u
bandhigno sababta loogu baahan yahay inaynnu sii deyno, maanta midnimaynnu
doonaynaa khilaaf ma rabno, khilaaf dheer oo laba sano ah baynnu kasoo baxnay,
colaad baa ina haysa oo waakan cadowgu dusheenna wuxuu doono kaga hadlaya ee
inoo tashana, xanuunkanaa ina haya oo midnimo u baahan.”
Ugu dambayntii madaxda kala duwan ee qaranka ugu sarraysaa waxa ay si wada-jir
ah ugu mahadnaqeen dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo shixnado agabka
lagaga hortaggo ah xanuunka COVID-19 usoo diray Jamhuuriyadda Somaliland.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial