Latest News

Madaxweynaha Kenya Oo Wefti U Diray Ethiopia

Nairobi, March 11, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha Kenya
Uhuru Kenyatta ayaa Xoghayihiisa golaha xukuumadda, Fred Matiang u diray dalka
Ethiopia si uu ula oo kulmo Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Wafdigaan ayaa ujeedadoodu tahay sidii ay Raysal
Wasaaraha Ethiopia ay ugala soo hadli lahaayeen inuu qeyb ka qaato dedaallada
lagu doonayo in lagu xasiliyo xiisadda u dhexeysa Kenya iyo Somalia.

Warbaahinta Kenya ayaa baahisay in Ethiopia ay cadaadis
ku saartay madaxweyne Farmaajo inuu si toos ah ula hadlo Madaxweyne Uhuru si
loo dajiyo xiisadaha gobolka oo aanayn ka faa’iideysan kooxda hubaysan ee
Alshabaab.

Tallaabadan ayaa timid markii dalalka saaxiibada la ah
Somalia ee beesha caalamku ay ku baaqeen wada-shaqeyn iyo wadahadal dhexmara
mas’uuliyiinta Dowlad-goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ee
Soomaaliya waxayna ka codsadeen in dhammaan hawl-wadeennada ay is xakameeyaan
kana fogaadaan ficillo rabshado kicin kara.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial