Latest News

Madaxweynaha Masar Iyo Hogaamiyaha Tigrayga Oo Shir Qarsoodi Ah Ku Yeeshay Juba Iyo Itoobiya Oo Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed U jartay Koonfurta Soodaan

Juba,November30,2020(Haatufonline)-Hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa kulan qarsoodi ah caasimadda Koonfurta Soodaan ee Jubba kula yeeshay madaxweynaha Masar Cabdulfataax Alsiisi oo xiligaasi booqasho rasmi ah ku joogay dalkaasi.

Isla maalintii sabtida aheyd ee uu kulanka Gebremichael iyo Alsiisi dhacay waxa magaalada Jubba degdeg uga baxay oo dhinaca dalkiisa u safray safiirkii Itoobiya u fadhiyey dalka Koonfurta Soodaan Fisseha Shawl.Saacado kadibna waxay dawladda Itoobiya xidhiidhkii dibloomaasiyadeed u jartay dalka Koonfurta Soodaan iyadoo ay labada dal haatan kala qaateen safaaraadihi u kala fadhiyey Jubba iyo Adisababa

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*