Latest News

Madaxweynaha Masar Oo Mar Labaad Addis Ababa Uga Digay Talaabo Kasta Oo Yaraynaysa Saamigooda Biyaha Wabiga Nile

Qaahira, April 7, 2021 (Haatufonline) – Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah el-Sissi ayaa u digay dalka Ethiopia maanta oo Arbaca ah, waxaanu sheegay in dawladdiisu aanay u dulqaadan doonin talaabo kasta oo Addis Ababa ay ku yaraynayso saamiga Masar ee biyaha Wabiga Nile.

Digniintan ka soo yeedhay madaxweynaha dalka Masar ayaa noqonaysa markii labaad ee mudo todobaad ah uu jeediyo – waxaanay ku soo beegmaysaa xili lagu guuldaraystay in horumar laga gaadho wadahadalo u dhexeeyey Masar Ethiopia iyo Sudan.

Saddexdan dal ayuu u dhexeeyey muran sanado badan soo jiitamayey oo ku saabsan biyo xidheenka Ethiopia ay ka dhistay Wabiga Nile.

Masar iyo Sudan ayaa hore sheegay u sheegay in Ethiopia ay qorshaynayso in biyo gaadhaya 13.5 billion cubic meters oo biyaha in sanadkan 2021 ay doonayso inay ku shubto sagxada biyo xidheenku ay khatar ku tahay iyaga.

Madaxweyne Abdel Fattah el-Sissi ayaa hadal uu jeediyey waxa uu ku sheegay in “in dhamaan khiyaarku  ay furan yihiin” oo aan la taaban karin saamiga Masar. ” waxaanu ku booriyey Addis Ababa inay kala shaqayso Qaahira and Khartoum sidii loo joojin lahaa in isku dhac uu dhaco.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*