Latest News

Madaxweynaha Oo Kormeeray Xarumaha Wasaaradaha Horumarinta Biyaha Iyo Gaadiidka, Horumarinta Jidadka

Hargeysa, January 11, 2021 (Haatufónline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer shaqo kusoo maray xarumaha wasaaradaha Horumarinta Biyaha iyo Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, waxana uu u kuur-galay hannaanka ay wasaaradahaasi shaqo-maalmeedkooda u gutaan.

Madaxweynaha oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa subaxii hore ee saaka kormeerkiisa shaqo kusoo maray xarumaha wasaaradahan, waxana halkaas kusoo dhaweeyey masuuliyiinta kala duwan ee qaranka ugu igman wasaaradahaas, kuwaas oo madaxweynaha uga warbixiyey shaqada ay qaranka u hayaan ee maalinlaha ah iyo horumarka ay ilaa haatan ku tallaabsadeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial