Latest News

Madaxweynaha Puntland Oo Xaaladd Amaandaro Kadib Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Taliyayaasha Booliiska Ee Gobolada Maamulkaasi

Garoowe, April 4, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka
Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa isku shaandhayn ku
sameeyay taliyayaal booliis oo heer gobol ah, sida ku xusan wareegto kasoo
baxday madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa taliyihii booliiska gobolka Nugaal
gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire, u wareejiyay gobolka Mudug, halka taliyihii
qeybta booliiska gobolka Karkaar, Jaamac Dirir loo bedelay gobolka Nugaal.

Waxaa sidoo kale, madaxweyne Deni uu taliye cusub u
magacaabay gobolka Karkaar, waxaana loo magacaabay xilkaas G/sare Cabdi Casayr
Yuusuf.

Isbedelkaan hoggaanada booliiska gobolada Puntland oo ah
tilaabo naadir ah, ayaa kusoo aadaysa maalmo kadib markii magaalada Garowe uu
ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal,
Cabdisalaan Gujir.

Laamaha ammaanka falkaan dad kala duwan ayay u xireen.
Waxay kaloo iska fogeeyeen ruuxa ismiidaamiyay inuu katirsanaa ciiddamada
booliiska.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial