Latest News

Madaxweynaha Somalia Oo Raaligalin Iyo Cudur Daar Ka Bixiyey Xasuuqii Somaliland Ka Dhacay

Hargeysa, (Haatuf) – Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo maanta hadal ka jeediyey shir Garsoorka Somalia ay yeesheen ayaa raaligalin iyo cudur-daar ka bixiyey Xasuuqii shacabka Somaliland ay u gaysatay dawladdii Talidii Taliyihii Somalia ee Maxamed Siyaad Barre.Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ka garaabayo wixii xumaa ee dhacay in la iska cafiyo, isla markaana wixii ka dhacay Waqooyiga (Somaliland) inuu cudurdaar ka samaynayo iyo inuu raaligalin ka bixinayo, wixii loo gaystay dadka walaalaha ah intii dhimatay iyo intii dhaawacantayba.Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Garawshiiyo ayaa loo baahan yahay in wixii xumaa ee dhacay la iska cafiyo, wax alla wixii chapter madow ahaa ee taariikhdeena galay inaynu saxno, macnaheedu waxay tahay dhibkaasi ka dhacay waqooyi inaanu cudur daar aan ka samayno, inaan raaligalin ka samayno, dadkaa walaalaheen ah intii dhimatay iyo intii dhaawacantay aynu nidhaahno taariikh xun bay ahayd wixii dhacay, waa wax aynu soo marnay.Runtii wixii halkaa ka dambeeyeyna ee halkaa ka dhacayna ma ahayn koonfur oo ku duushay waqooyi, wax qabiil ku salaysana may ahayn, waxay ahayd hanaan dawli ah oo jiray.Anigoo Madaxweynihii Qaranka Ah, Inaan cudur daarkaa sameeyo oo raaligalintaa aan gaadhsiino walaalaheen reer Waqooyi idinkuna aad ila qaadataan.Dhankii kale ee iyaga laftigoodu qoryaha watay iyagana cudur-daar ayaa laga rabaa,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Somalia ayaan sheegin in dawladda Somalia ay wax magdhaw ah ka bixinayso iyo in si kale looga xaajoonayo talaabooyinkii foosha xumaa ee lagu galay magaca Somalia sanadihii 1980’s.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*