Latest News

Madaxweynaha Somalia Oo Saxeexay Sharciga Baatroolka Soomaaliya

Muqdisho, (Haatuf) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxeexay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu shacabka iyo
Dowladnimada Soomaaliyeed u leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda
muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga
dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca
shisheeye iyo musuqmaasuqa.

Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka JFS waxa ay
maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda
iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida
dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka
Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda,
Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga
mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha
Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka,
dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga
ee lagu saxiixay Baydhabo.

Qaar kamid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa horey u
diiday sharcigaan, iyagoo ku tilmaamay inuu horseedayo isqab qabsi iyo colaad
sokeeye.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial