Latest News

Madaxweynaha Somaliand Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyey

Hargeysa, (Haatuf) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo
summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-443/012020 iyo JSL/XM/WM/222-444/012020,
uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu
Sidan:-

Wareegtooyin Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Amaal Cabdi Xasan

Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada

Ku: Maxamed Aadan Xirsi,

Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay
in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hannan karta. Sidaa darteed,
waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad
hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada iyo
Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan idiinka mahad-celinayaa
muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka.

MAGACAABID:-

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo
Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka
Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u
magacaabo masuuliyiintan:

1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.

2. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska.

3. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee
Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

4. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Tamarta iyo Macdanta.

5. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

6. Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeenka
Hay’adda Dhawrista Tayada.

7. Axmed Cabdirisaaq Diiriye Agaasimaha Guud ee Guddida
Qandaraasyada Qaranka.

8. Maxamed Axmed Xasan (Jabarti) Agaasimaha Guud ee
Hay’adda Duulista iyo Madaaradda.

9. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Guddida
Maamul Wanaaga.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial