Latest News

Madaxweynaha Somaliland Iyo Hoggaamiyeyaasha Asxaabta Mucaaridka Oo Ka Hadlay Deyn Cafinta Baanka Adduunku Sameeyey

Hargeysa, March 28, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo
guddoomiyeyaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si wada-jir ah u
sharraxay Aragtida Somaliland ee ku aaddan go’aanka uu Baanka adduunku deynta
kaga cafiyey Soomaaliya oo aan lagu caddaynin doorkii ay Somaliland ku lahayd
deyn cafintaas iyo xuquuqdii ay u lahayd in taladeeda wax laga weydiiyo oo u
muuqata mid la duudsiyey, iyaga oo sidoo kale bulshada u diray farriin ay kaga
digayaan Xanuunka safmareenka ah ee Covid-19, islamarkaana ka dareen celiyey
tallaabadii ay golaha wakiilladu maanta ku diideen labadii xubnood ee axsaabta
mucaaradku u magacaabeen Komishanka doorashooyinka qaranka.

Ugu horrayn Madaxweynaha qaranka iyo labada hoggaamiye ee
axsaabta mucaaridka ah oo maanta saxaafadda kula hadlay xarunta qasriga
madaxtooyada, ayaa meel adag iska taagay tallaabada uu Baanka adduunku ku
duudsiyey kaalintii iyo taladii ay Somaliland ku lahayd deyn cafintaas, waxana
ay caddeeyeen inay Somaliland tahay qaran madax bannaan oo xaq u leh in
gaarkiisa loola macaamilo.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal
Cali-waraabe oo arrinta deyn cafinta ka hadlay, ayaa sheegay in Somaliland iyo
Soomaaliya kala yihiin laba dal oo mid weliba arrimihiisa u madaxa bannaan
yahay, islamarkaana haddii si dhab ah loo eegayo shuruudaha dhabta ah ee
deymaha lagu bixiyo ay Somaliland xaq u leedahay, waxana isaga oo arrimahaas ka
hadlaya uu yidhi, “Haddii cid lacag la siinayo in Somaliland oo maanta
nabadgelyo iyo horumar u baxday in la siiyo ayey ahayd, lacagtanna waxa loogu
talo galay inay ku ololeeyaan yaryarkaa Villa Soomaaliya qabsaday. markaa in
dadka loo dhuubo oo la waalo ma aha, lacagtaas waxannu leenahay Somaliland
wixii la siinayo laba dal oo isu tegay baynnu ahayn oo mid wuu dhisan yahaye in
waxayaga saami naloo siiyo ayey ahayd.”

Guddoomiye xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdilaahi (Cirro), ayaa isaguna dhiciisa caddeeyey inuu baanka adduunku ka
leexday dariiqii saxda ahaa ee dunida inteeda kaleba kula macaamisho Somaliland
oo ah sidii dal u madax-bannaan arrimihiisa masiiriga ah, waxana uu yidhi,
“Sida madaxweynuhu sheegay waxaynnu isku raacsannahay in Somaliland yihiin laba
dal oo jaar ah oo walaalo ah, Baankana waxannu leenahay waxa ku waajib ah inuu
ula kala dhaqmo Soomaaliya iyo Somaliland, Jamhuuriyadda Somaliland iyo
Soomaaliyana 1991-kii baa isugu dambaysay wax-isugu-jirkoodii, inkasta oo
aynaan helin ictiraaf, haddana dunidu waxay inoola dhaqantaa Somaliland ahaan,
waxannu doonaynaa inuu Baankuna Somaliland ula dhaqmo Somaliland, wixii la
siinayona toos loo siiyo oo aan cidna loo soo marin.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi, ayaa hoosta ka xarriiqay inay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo
gaarkiisa u taagan, waxana uu Baanka adduunka u diray farriin uu ku caddaynayo
in deymaha Soomaaliya laga dhaafay aanay ahayn wax u yaalla Somaliland, waxana
isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Baanka Adduunka waxanu leenahay
labadaas dawladood ee 1960-kii isu tegay ee 1991-kiina kala baxay mid walba
sideeda iyo gaarkeeda ayaa loola macaamilayaa, Somaliland haddii la leeyahay
kuma ictiraafsanin oo kula macaamili maynno, Soomaaliya waxa aad ka dhaafteen
iyo waxa u qabanaysaan idinka ayey idin taallaa, annaguse Somaliland baannu
nahay, wixii nalagala hadlayo annagaa nalagala xaajoonayaa oo naloo soo marin
maayo cid kale, madax-bannaannida iyo ictiraafkaad sheegaysaan waa kaannu ka
baxnay ee ka dagaallanay ee aannu goonida u joogno ee aannu dawladda ka
dhisannay.”

Dhinaca kale, madaxweynaha iyo labada hoggaamiye
xisbi-mucaarid waxa ay bulshada reer Somaliland si wada jir ah ugu direen
farriin faahfaahsan oo ku saabsan ka hortagga caabuqa COVID-19, waxana ay kula
dardaarmeen in ka hortaggu yahay tallaabada kaliya ee xanuunkaas bulsho ahaan
lagaga badbaadi karo.

Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane
Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyayaasha axsaabta mucaaridku waxa ay ka dareen
celiyeen diidmadii ay maanta golaha wakiilladu kala hortageen labadii xubnood
ee ay axsaabta mucaaridku usoo magacaabeen komishanka doorashooyinka qaranka,
waxana ay sheegeen inay tallaabadaasi ahayd mid aan loo fadhiyin oo lama filaan
noqotay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi, ayaa tilmaamay inay golaha wakiilladu ku ixtiraaman yihiin
go’aannadooda, balse ay maanta la joogo waqtigii wada-jirka iyo isku-duubnida,
qaranku aannu diidmadaas u filaynin, waxana uu yidhi, “Golaha wakiilladu waa
sharci oo way madax-bannaan yihiin, go’aankoodana iyagaa xor u ah, sharciyan
baannu taas u arkaynaa, waanna aqbalaynaa wixii ay soo saareen oo ma diiddanin,
laakiin talada dalka iyo danta dalku maanta waxa ay ku jirtaa inaynu is
wadanno, Komishanka dhibtiisu waxa uu ina gaadhsiiyey laba sano iyo dheeraad,
wejiyaal badan buu lahaa, khilaaf badan baa ka jirey, weynu soo af-jarnay.
Iyada oo dalku maanta midaysan yahay oo wax walba laga heshiiyey oo xisbiyadii
mucaaridka ahaa la oggolaysiiyey inay labadii keenaan oo ay ahayd inaynnu
midnimada u dhaqaaqno oo aynnu doorasho higsanno, midnimada iyo wada-jirka
dalkuna ku jireen maanta inay ansixiyaan labadaas xubnood, arrintaasi maanta
kammaannu filayn, qarankuna kama uu filayn, sabab loo soo celiyo nimankaas,
waase gole oo waa u xor wixii uu gaadhay,” Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu sheegay in arrintaas
talo la isaga noqon doono, axsaab, xukuumad iyo wakiilloba, islamarkaana uu ku
han weyn yahay in lasii ambo qaadi doono geeddi-socodka loogu jiro sidii ay
doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen waqtigooda.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial