Latest News

Madaxweynaha Somaliland Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Kulankoodi Labaad Yeeshay

Hargeysa, (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi
Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan
Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulankii labaad maanta qasriga madaxtooyada
kula qaatay gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani, Eng
Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi
(Cirro).

Markii kulankaasi laga soo baxayna waxa saxaafada la
hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee
Waddani, waxaanay shacbiga Somaliland ugu bushaareeyey in la isla qaatay inta
ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu
heshiiyey loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa
doorashooyinka.

“Waxa maanta qabsoomay kulankii labaad ee saddexda
gudoomiye xisbi iyo aniga oo goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeen ahaan ay
isugu yimaadeen, Iyadoo lagu lafa-gurayey ama laga wadahadlayey sidii
doorashooyinka Somaliland oo runtii dib u dhac badani inagaga dhacay oo
aakhirkii odayaal reer Somaliland ah oo muxtarimiin ahi ay is-xilqaameen oo
dhankooda ay isku xilqaameen, isla markaana ay go’aamo soo jeediyeen sidii
hawshaa hore loogu sii dhaqaajin lahaa in doorashadii sida ugu dhakhsaha badan
ee ugu suurtagalsan ay u qabsoonto, sidaa uu Madaxweynuhu shalayba kaga
dhawaaqay khudbadii uu ka jeediyey Carwadii Warshadlayda Somaliland.

Waxa maantana mar labaad oo balantii labaad ahayd
markaanu isku noqonay aanu ku heshiinay inaanu muddo loo baahan yahay sidii
hawshaa iyo xeerkii loo fulin lahaa ee Xeerkii iyo Xalkii la isku cunsiin lahaa,
hawshaasina ay midho dhal u noqon lahayd,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka
Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo war-baahinta la hadlay kulanka ay
xisbiyada la yeesheen kadib.

Sidoo kale waxa isaguna warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha
xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro),
waxaanu yidhi “Sidaad ka warqabtaan waxaanu maanta yeelanay kulankii labaad ee
labada guddoomiye xisbi iyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo aanu ka
yeelanay si aanu hore ugu sii wadno sidii doorashaduna u qabsoomi lahayd soo
jeedintii odayaashana loo dhaqan galin lahaa.

Markaa marka aanu aragnay hawshaa culayskeeda,
waxaanu isla garanay inay u baahantahay wakhti hawshaa lagu fuliyo si qodobadii
loo fuliyo, markaa waxaanu isla qaadanay ilaa bisha tobankeeda (January 10,
2020), hawshaa la siiyo wakhti xukuumada iyo xisbigeeda iyo Madaxweynaha,
wakhtigaa ay u baahantahay waanu la qaadanay,” ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga
Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).    

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial