Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Dagaallamaya Fadhi-Gaab, Kuna Dhawaaqay Dhaqaale Cusub Oo Loo Qoondeeyey La Dagaallanka Xanuunka Covid-19

Hargeysa, April 19, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si qoto dheer
uga hadlay xaaladda colaadeed ee kasoo cusboonaatay deegaanka Fadhi-gaab ee
gobolka Sanaag, isagoo bulshada la wadaagay tallaabooyin dhinaca taxadarka ah
oo ay xukuumaddu qaadday, kuwaas oo loo qoondeeyey in lagaga hortago xanuunka
COVID-19.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadlay, ayaa ugu
horrayn waanooyin iyo talooyin wax ku ool ah usoo jeediyey hormuudka beelaha
walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, isaga
oo tilmaamay in la joogo maalintii bulshadu midoobi lahayd, waxana isaga oo
arrintaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxan leeyahay dagaalka halla joojiyo, bishii
Ramadaanna way inagu soo dhaw dahay, Ilaahayna Barwaaqo badan iyo Roob iyo
Nimco badan buu ina siiyey, col kale oo cudur ahina waa ina hayaa oo adduunka
oo dhan haya, Maanta waa maalintii la wada-jiri lahaa ee la is kaashan lahaaye,
ma aha maalintii xabbad la isku bilaabi lahaaye waxgaradka iyo waayeelka waxan
usoo jeedinayaa in arrintaas halkaas lagu joojiyo.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhammaanba bulshada
Somaliland, xukuumaddeeda, aqoonyahankeeda,waxgaradkeeda iyo haldoorkeeduba
waqti badan geliyeen xallinta colaadda deegaannada ceel-Afweyn, marar badanna
xal laga gaadhay, balse ay nasiib-darro tahay dhibaatada maanta soo
cusboonaatay.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu madaxweynuhu bulshada kala hadlay xanuunka
halista ah ee COVID-19 iyo sida ay bulshadu uga hortegi karto, isaga oo ku
taliyey in la kala fogaado, talada dhaqaatiirtana la qaato, waxana isaga oo
arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ma odhan karno meel walba weynu xidhaynaa
waayo qof walba qol gaar ah uma helayno oo suurtogal ma aha, markaa haddii aynu
xidhno waa dhibaato soo korodhaye innagu waxaynu qaadanaynaa aynnu dhibaatada
yarayno, dhibaatadana waxaynu ku yarayn karnaa innaga oo qaadana talada
dhakhaatiirta oo intii suurtogal ahba la kala fogaado.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale bulshada ugu baaqay inay
guryahooda ku cibaadaystaan, kana dheeraadaan goobaha masaajiiddada si looga
fogaado isu ururka bulshada, isaga oo culimada iyo dadka kaleba ugu baaqay inay
raacaan talada dhakhaatiirta iyo guddida ka hortagga xanuunka COVID-19, “Innagu
waxaynu leenahay maadaama oo uu xanuunkii inagu jiro oo aynu hubno ururrada
aynu masaajidku kamid yahaye dadku guryahooda haku tukadaan, masaajidkii marka
intaas oo qof isugu timaaddo ee kii kaa horreeyey halkuu ku suguuday aad ku
sujuuddo ee kii soo galay aad lasoo gasho Ilaahay baa inoo fasaxaye ma aha wax
aynu diintii ku gefayno, inaynnu is fahmi weynonna ma ahee culimada iyo dadkoo
dhanba waxaynnu leenahay caafimaadkeennii baa ku ege sida inoo roon ee guddidu
inoogu talinayso aynnu yeelno,” ayuu yidhi madaweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada ugu
bushaareeyey inay xukuumad ahaan fureen Sanduuq lagu ururinayo dhaqaalaha loogu
talo galay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19, islamarkaana ay xukuumad ahaan
ku shubeen qaddar lacag ah, waxana uu yidhi, “Waxan go’aaminnay in la furo
Akoon lagu ururinayo wixii dhaqaale loo baahan yahay oo la isugu tago, dawlad,
baayac-mushtar iyo ciddii kale ee ina caawinaysa ee adduunka ah oo halkaas lagu
soo ururiyo oo loo diyaar garoobo haddii hawshu soo cusboonaato, dawlad ahaanna
$3,000,000 (Saddex milyan) oo doollar baannu ku shubaynaa Akoonkaas oo aannu ka
goynay mashaariicdii horumarka, gunnooyinkii iyo wixii kale ee la hakin karo ee
dawladdu ay leedahay, uu dhaqaalaheeda saamaynayo dhaqaalaha istaagay.”

Ganacsatada iyo baayac-mushtarka ayuu sidoo kale
madaxweynuhu ugu baaqay inay maalkooda iyo maskaxdoodaba kaga qayb-qaataan
halganka lagula jiro xanuunka covid-19, una damqadaan bulshadooda, “Tujaarta
iyo baayac-mushtarka waxa la farayaa haddii ay sekedoodii tahay iyo sadaqo iyo
waxtarba inay maanta dadka la gurmad galaan oo xoolahooda kula hawl-galaan
dawlad iyo shicibba in xanuunkaas laga hortago, qaar kasoo jawaabayna way
jiraan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si
qoto dheer oo cilmiyeysan uga hadlay arrinta qaadka oo bulshada dhibaato ku
haya iyo joojintiisa, waxana uu caddeeyey inaan lagu joojin Karin laab la-kac
iyo caaddifad, balse loo baahan yahay go’aamo lagu midaysan yahay oo si hufan
loo lafo-guray, si dhibaato la’aan loo joojiyo qaadka.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial