Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Ciidamada Ka Tacsiyadeeyey Geerida General Cabdiraxmaan Fooxle Oo Maanta Hargeysa Lagu Aasay

Hargeysa, May 25, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya
magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u
dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka
Asluubta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada,
asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u
naxariistee General Marxuum Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo ku
geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 25/05/2020, caasimadda Somaliland ee
Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey mujaahid
hawlkar ah oo qaranka tacab badan geliyey, aqoon dheeraadana u lahaa
hab-maamulka ciidamada, kana mid ahaa saraakiishii qaybta weyn ka qaatay
aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland oo uu markii danbena ka soo qabtay xilal
kala duwan, intaanu uga wareegin ciidanka booliska oo uu ka gaadhay taliye ku
xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland oo uu muddo dheer ahaa, balse sannadkii
2019kii ayaa mar kale loo bedelay taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta
Somaliland oo uu ilaa hadda ahaa.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ka dhiidhiyey
kana dagaalamay xasuuqii Keligii taliyihii macagaga ahaa ee Siyaad Barre
sideetamaadkii ku hayey shacbiga Somaliland oo uu ka talaabay isagoo ah
gashaanle sare kuna biiray ciidankii SNM ee dhaliyey dib ula soo noqoshadii
xornimada madax-bannaanida Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu
naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland,
waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo
shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial