Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Digniin U Diray Cidkasta Oo Isku Dayda Inay Jebiso Awaamiirta Xukuumaddu Kula Dagaallamayso COVID-19

Hargeysa, May 10, 2020-(Haatuf) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka la wadaagay
xaaladihii ugu dambeeyey ee xanuunka Covid-19, natiijooyinka kasoo baxay
baadhitaannadii la sameeyey ee caddaynaya sida uu cudurku u faafayo, isaga oo
bulshadana u diray waanooyin wax ku ool ah oo ay xanuunka kaga hor tagi karaan.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay goor dhaweyd, ayaa
ugu horrayn shaaca ka qaaday in natiijooyinkii ugu dambeeyey ee uu saaray
mishiinka casriga ah ee lagu baadhayo xanuunka COVID-19 muujinayaan inuu
cudurku si xawli ah bulshada ugu dhex faafayo, islamarkaana bulshada looga
baahan yahay inay halistaas soo korodhay ku baraarugsanaato, kuna dhaqmaan
tallaabooyinka xanuunka lagaga hortegi karo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka ugu baaqay
in qof waliba si iskii ah uu isaga baadho xanuunka, si la dagaallankiisu u fududaado,
faafitaankiisuna u yaraado, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ta
aynu doonayno inaynu fahamnaa waa xanuunka aynu iska baadhno inaga oo caafimaad
qabna aynu baadhis samayno, marka goor hore la ogaado inaanad waxba qabinba
waad ka adag tahay oo muddo uun baad nasanaysaa, boqolkiiba laba saddex qof
mooyaane waxa laga yaabaa inay ka wada kacdo inta kale, laakiin haddii adiga oo
aan is ogayn aad dadkii gaadhsiiso dhibaatadaasuu keenayaa.”

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in kala-fogaanshaha
iyo joogtaynta gacmo-maydhashadu fure u yihiin tallaabooyinka lagaga hortegi
karo xanuunka, “Maadaama oo aynaan haysannin mishiinno badan oo wax baadha oo
magaalooyinka oo dhan aanay inoo oollin waxa waajib ah, si taas loo helo
saddexda qodob ee adduunka oo dhan la isku waafaqsan yahay ee laga midaysan
yahay waa kala fogaada, Afka xidha, faro-xasha, waa sida qudha ee lagu yarayn
karo fididdiisa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu madaxweyne Muuse
Biixi Cabdi ugu baaqay inay is caawiyaan xaaladdan cusub ee la galay,
islamarkaana qof waliba waxa uu hayo uu dadkiisa iyo dalkiisaba u huro, waxana
uu yidhi, “Sida ka ciidanka ah ee xadka joogaa naftiisa ugu hurayo inaan xadka
lasoo gelin iyo sida askariga habeenkii oo dhan wareegaya ee tuugga ay
dagaallamayaan naftiisa ugu hurayo inaad nabad ku seexato, qof wal oo muwaadin
ah waxa laga rabaa in wixii uu hayo uu wax ka bixiyo, waxa la hayana aqoontaa
ugu badane qofkii aqoon hayaa aqoontiisa haku deeqo, xooggaagaa ku xigee wax ku
tar waa loo baahan yahayee, adduunkaaga wax ka tar.”

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu digniin adag u diray
qaar kamid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay oo Arday tiro badan iskuullada ugu
yeedhay, isaga oo tilmaamay inay arrintaasi tahay Aafo lagu sadhaynayo
bad-qabka iyo caafimaadka bulshada,“Qodob kale oo shalay dhacay oo qalad ah baa
jira, tallaabo sharci ahna laga qaadayo, dugsiyadii gaarka loo lahaa qaar kamid
ahi iyada oo aan wasaaraddii u oggolaan oo immika imtixaan la geli maayo oo dadka
la isugu yeedhi maayo taagan tahay, ayey carruurtii isugu yeedheen oo
yidhaahdeen imtixaan baad gelaysaan oo 60 (lixdan) carruur ah meel wada
fadhiisiyeen, carruurta ma wax bay barayeen oo aqoon bay u dirayeen mise way
laynayeen, dadka miyey aafaynayeen, caqliyaddaasi maxay tahay,”ayuu yidhi
madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi waxa uu tilmaamay in cid kasta oo talo dhakhtar kasoo baxday la’aanteed
Arday ama cid kale meel isugu keentaa la mid tahay kuwa soo waaridaya qaadka
sharci-darrada ah ee la mamnuucay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu
yidhi, “Ardayda meel la isuguma keenayo dhakhtarrada oo fasaxa mooyaane, dadka
meel laguma ururinayo dhakhtarrada oo fasaxa mooyaane, qofkii sidaas sameeyaana
waxa uu lamid yahay ka qaadka la joojiyey keena oo kale ee sharciga jabiyey,
qofkii sharciga jabiyana tallaabaa laga qaadayaa.”

Wa-bilaahi Tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial