Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Isku Shaandhayn/Xil-Ka-Qaadis Ku Sameeyey Badhasaabada Gobolada

Hargeysa, June 29, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha
Somaliland Ayaa Xilalkii ay Qaranka u hayeen ka qaaday badhasaabbada 5 Gobol.

Sidaana waxa lagu sheegay Wareegto uu soo saaray
Madaxweynaha JSL, taasi oo u dhignayd sidan:-

WAREEGTO MADAXWEYNE: 29 /06/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay
JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo JSL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga
qaaday kuwa kalena ugu magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida,
sidoo kalena uu ku sameeyey bedel.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaasi Madaxweynuhu
Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim;
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd

Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse;
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay
in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed,
waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad
hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka
Qaranka.

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo
Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka
Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u
magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka
Awdal.

2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag

3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka
Saaxil.

4. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka
Gabiley.

6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka
Saraar

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial