Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Qoys Guri Ku Dumay

Hargeysa, (Haatuf) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa galabta ka qaybgalay Aas qaran oo
xabaalaha masallaha ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey qoys Afar ka koobnaa
oo kala ahaa Aabo, Hooyo xaamilo ah iyo laba wiil oo ay dhaleen ka kooban oo uu
xalay kusoo dumay gurigii ay jaar la’ahaayeen.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha
wasiirrada, taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Badhasaabka
iyo ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex, maayarka caasimadda Hargeysa iyo
xildhibaano ayaa Aaska qaran loogu sameeyey qoyska ka kooban Afarta qof kala
qayb-galay Boqolaal dadweyne ah oo jinaasada ku sugnaa, waxana halkaas laga
jeediyey hadallo loogu baroor-diiqayo masiibada qoyskaas ku dhacday iyo
dareenka heer qaran ee lagu sagootiyey.

Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Diinta iyo
Awqaafta, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Khaliil Cabdilaahi Axmed oo hadallo
kooban ka jeediyey Aaska loo sameeyey qoyska xalay geeriyooday, ayaa
marxuumiinta geeriyooaday Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi, ayaa muujiyey culayska masiibada qoyskaas ku habsatay, isaga oo xusay in
qaranku murugada iyo naxdinta la wadaagayo ehellada iyo qaraabada ay
marxuumiintaas isku qoyska ahi ka baxeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya
uu yidhi, “Waa geeri culus qoys dhan oo iyaga oo hurda masiibo ku habsatay
iyaga oo aanay cidina ka bixin, waase Ilaahay qaddarkii, waana waxyaabaha lagu
cibro qaato, Ilaahayna dhammaantood ha u wada naxariisto, qoyskii iyo reerkii
ay ka baxeenna Ilaahay waxan uga rajaynayaa cawil khayr qaba. Qaran ahaan aad
baannu idiinka tacsiyadaynayaa, naxdintaana waa la idin la qaybsanayaa, waana
masiibo qaran.”

Qoyska maanta Aaska qaran loo sameeyey oo afar qof ka
koobnaa, ayaa si wadar ah loo xabaalay, waxana ay ifka kaga tageen oo isagu
masiibadaa ka badbaaday wiil yar oo ay marxuumiinta geeriyooday dhaleen, kaas
oo ku maqnaa guryaha ehellada.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu guud ahaanba bulshada
reer Somaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenka ah, si ay
badqabkooda u sugaan, isaga oo wadayaasha gaadiidkana faray inay ka
feejignaadaan dhibka roobabka.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial