Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska 26-Aad Ee Aas-Aaska Ciidanka Qaranka JSL

Hargeysa, (Haatuf) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Xus ballaadhan oo loo
sameeyey Sannad-guurada 26-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka qaranka
Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu intaanu gaadhin goobta xafladdu ka
qabsoontay waxa uu kormeer iyo xadhig ka jarid ku maray miiska saraakiisha
ciidanka qaranka oo lagu soo kordhiyey xarumo muhiima oo ay ka mid yihin qaybta
jidh dhiska saraakiisha iyo dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey cusbitaalka
Ciidanka qaranka ee Birjeex.

Waxaanu u soo gudbay Munaasibadda dabbaal-degga
sannad-guurada 26-aad ee Aas-aaska ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliand oo
lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka oo ay madaxweynaha kala
qaybleen shir-guddoonka golaha wakiillada, wasiirada wasaaradaha
gaashaandhigga, arrimaha gudaha, warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta,
xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, horumarinta biyaha,
badhasaabka gobolka maroodi-jeex, maayar ku xigeenka caasimada, qaar kamid ah
madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee dalka soo maray, taliyayaasha iyo hoggaannada
kala duwan ee ciidamada qaranka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka
socotay axsaabta qaranka, madaxda safaaradaha dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ay
Somaliland ku leeyihiin, saraakiil ka socota dalka Ingiriiska iyo Itoobiya,
siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana madasha ugu
horrayn lagu soo bandhigay masraxiyad ku qotonta dedaalka iyo kaalinta lama
illaawaanka ah ee ay ciidanka qaranku kaga jiraan guud ahaanba dalka
Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarkiisa.

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye gaas Nuux
Ismaaciil Taani oo munaasibadda xuska Aas-aaska sannnad-guurada 26-aad ka
hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen ciidanka
qaranka, guulaha ay gaadheen iyo dedaalka ay ugu jiraan sidii ay uga mid noqon
lahaayeen ciidamada ugu awoodda badan gobolka geeska Afrika.

Taliye Nuux waxa uu caddeeyey inay ciidamada qaranku
nafta u hureen difaaca qarannimada, islamarkaana ay ku guulaysteen sugidda
xuduudaha dalka iyo gacansiinta shacabka, waxana uu yidhi, “Laga soo bilaabo
sannadkiisii koowaad ilaa maanta oo uu 26-jirsaday wuxuu ciidanka qaranku
heegan u ahaa difaaca qarannimada lama taabtaanka ah ee Jamhuuriyadda
Somaliland, waxana uu diyaar u yahay inuu u huro naftiisa qaaliga ah, wuxuuna
ku tallaabsaday fidinta maamulka dawliga ah, sidii uu u sugi lahaa dhammaanba
xuduudaha Somaliland iyo gacansiinta ciidamada kale iyo hay’adaha kale ee
dawliga ah marka ay sugayaan amniga qaranka iyo gacan siinta dadweynaha marka
ay timaaddo xaalad degdeg ahi.”

Wasiirka wasaaradda Gashaandhigga Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isaguna halkaas ka
hadlay, ayaa bogaadiyey guud ahaanba ciidanka qaranka, saraakiishooda, dablayda
iyo xaasaskooda, waxana uu xusay inuu ciidanku Astaan u yahay qarannimada iyo
dawladnimada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ciidanka qaranku
waxa uu astaan u yahay midnimada qaranka, taas oo ka turjumaysa dhammaanba
ummadda reer Somaliland, sida Distuurka iyo xeerarka ku xusanna waxa uu
ciidanku leeyahay mabaa’dii iyo waajibaad qaran, waxana uu u xilsaaran yahay difaaca
madax-bannaaniada Jamhuuriyadda Somaliland.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi oo munaabadda xuska sannad-guurada 26-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska
ciidanka qaranka, ayaa ugu horrayn hambalyo guud u diray ciidanka qaranka,
ubadkooda iyo xaasaskooda, waxana uu ku dheeraaday duruufihii iyo marxaladihii
ay soo mareen ciidanka qaranka Somaliland oo haatan ah cudud ku filan difaaca
qarankiisa.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay inay ciidamada
qaranku guteen waajibkii saarnaa, islamarkaana iskaashiga iyo wada-shaqaynta
dhexdooda ahi keentay inuu qarankani guulaysto, “Ciidanka qaranku maanta iyada
oo aan la ina ictiraafin ayuu ka xoog weyn yahay ciidamada kuwa la ictiraafay,
ka Edaab wanaagsan yahay oo ka adkaysi badan yahay, ciidamada qalabka sida ee
kala duwan dhammaantood waxa uu qaranku ugu mahadnaqayaa iskaashi amni iyo
xilkii la saaray inay guteen, maantana waxa si wacan u wada shaqaynaya oo isku
xidhan ciidanka qaranka, ka Booliska, ka asluubta, ka socdaalka, ka badda iyo
ka wardoonka oo haddii ay isku baahdaan daqiiqado dhexdood ku xidhiidha,” ayuu
yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu madaxweyne Muuse
Biixi Cabdi sheegay inay ciidamada qaranku dalkooda magac iyo taariikh uga tagaan
oo aanay ahayn dheef raadis, waxana uu yidhi, “Adduunyada ninna magac buu u
joogaa, ninna dheef buu u joogaa, Ciidamada qaranku waxad ogaataan inay magac
doontaan, dalkana wax uga tagaan oo aanay dheef doonin, waanan ku
hambalyeynayaa doorashadooda.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu billad-geesi
guddoonsiiyey labada taliye qaybeed ee 31aad iyo 12aad ee Ciidanka qaranka
Jamhuuriyadda Somaliland, Gashaanle Sare Cismaan Faarax Cawaale (Dolaal) iyo
gashaanle sare Axmed Hurre Haariye oo muddadii ay shaqaynayeen muujiyey
adkaysi, shaqo-wanaag iyo masuuliyad, waxaanu madaxweynuhu xusay in ay
diyaarinayaan bixinta 750 bilad geesi oo isugu jira dahab iyo qalin.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial