Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Khudbad Garnaqsi Ah Ka Jeediyey Shirka Waddamada Geeska Afrika Uga Qabsoomay Dalka Jabuuti

Djibouti, June 14, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii
ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo maanta gaadhay Caasimadda Jamhuuriyadda
Jabuuti ee Jabuuti ayaa ka qeyb galay Kulan Afar Geesood ahaa oo ka qabsoomay
Xarunta Madaxtooyada ee Jabuuti isla mar ahaantaana ay goob joogayaal ka
ahaayeen Dawladda Maraykanka, Ururka Midowga Afrika, Xoghayaha guud ee Urur
Goboleedka IGAD iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi
oo shirkaasi ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo garnacsi
ah, ayaa ku dheeraaday Taariikhda faca-weyn ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo
dawladnimadeeda, waxaana uu si cad u qeexay Dimuqraaddiyadda buuxda iyo
Hannaanka Dawladdnimo ee daahfuran ee ay ku caano maashay Somaliland, Nabada
iyo Xasiloonida ay ku naaloonayaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo dib
lasoo noqoshada gobanimadii hallowday Lixdankii oo ay haatan dib ula soo
noqoshadeedii laga joogo muddo ku dhow 30-sanno.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay kana sheegay
shirka ay maanta isugu yimaadeen madaxda dalalka Geeska Afrika iyo wufuudda
kale ee dunida kale ka socotay in qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu muddo
sannado ah usoo dhabar adaygayay in mar uun ay beesha caalamka iyo afrikaba ay
garawsadaan horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana qaaday Jamhuuriyadda
Somaliland in badana ay u dhegtaagaysay inay maqasho waxa ay shacbiga
Somaliland ka mudan yihiin addunida kale, xaqana ay u leedihiin oo ah aqoon si
buuxa, muddo badanna ay sugaysay madal sidan oo kale u furan ay garteeda iyo
xuquuqdeeda ku sheegato.

Ugu dambayntii madaxweyneyaasha dalalka Jamhuuriyadda
Somaliland, Soomaaliya, Jabuuti iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya waxa ay xarunta
madaxtooyada dalka Jabuuti si wada jir ah uga beereen geed loogu magac daray
geedka Nabadda Geeska Afrika.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial