Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Khudbad U Jeediyey Labada Gole Baarlamaan

Hargeysa, (Haatuf) – “Waxa sharaf iyo xurmo ii ah inaan maanta hor imaado Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, oo aan ka jeediyo Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah ee sannadka 2020.

Sannad waliba waayo leh, Sannadkii 2019-ku waxa uu ugu suntan yahay
Jamhuuriyadda Somaliland, sannad nabadeed, midnimo iyo sannad la gaadhay guulo
diblomaasiyadeed oo Qaran.

Mandaqadda aynu ku nool nahay iyo guud ahaan adduunkaba, waxa ka socda
isbedel dhaqan-dhaqaale iyo is-xulafaysi siyaasadeed, oo dhalan-rogi kara
wajiga maanta adduunku u yaallo. Somaliland, kama gaabin in ay noqoto foolaadka
isbedelka ka dhacaya adduunka iyo in ay yeelato saaxiibo siyaasadeed oo cusub.

Khudbadda Dastuuriga ah ee sannadkan waxa ay ka kooban tahay:
1. Dhaqaalaha
2. Adeegyada Bulshada
3. Nabad-gelyada
4. iyo Arrimaha Dibedda
1. Dhaqaalaha
Dhaqaaluhu waa saldhiga horumarka iyo isbedelka nololeed iyo bulsho ee dal
kasta. Sidaa darteed, Xukuumadda JSL waxa ay xooga saartay kobcinta iyo kor u
qaadista dhaqaalaha dalka:
§ Hal-beega Cabirka
Dhaqaalaha (GDP) ee JSL waxa uu kordhay 2% labadii sanno ee ugu dambeeyey.
Halka koboca dhaqaalaha Qaaradda Afrika ay Qaramada Midoobay ku qiyaastay
sannadkii 2019-ka 3.4%. Taas oo muujinaysa in Somaliland koboceeda dhaqaale uu
kordhayo, iyada oo ay jiraan caqabado dhaqaale oo u gaar ah Jamhuuriyadda
Somaliland.

§ Waxa lagu guulaystay in
Sicir Bararku ka soo dago 19%, lana gaadhsiiyo 4% sannadkii 2019-ka.

§ Waxa sidoo kale lagu
guulaystay in qiimaha Shillinka Somaliland kor loo qaado qiimihiisa 21%
sannadkii 2019-ka.

§ Dakhliga dalku waxa uu ka
kor-maray odoroskii miisaaniyadda sannadka 2019-ka 4.5%. Taas oo muujinaysa
dadaalka iyo awooda hay’adaha dakhli ururinta Qaranka.

§ Waxa Miisaaniyadda
Qaranka ee sannadkii 2019-ka laga maal-geliyey mashaariic qiimahoodu gaadhayo
152,040,135,320 SL. Shilling, oo dhammaanteed Qaranku bixiyey.

§ Waxa Miisaaniyadda
Qaranka ee Sannadkan 2020-ka laga maal-gelin doonaa mashaariic qiimahoodu
gaadhayo 158, 827,455, 889 SL. Shillings.

§ Waxa la hirgaliyey
Nidaamka Maamulka Xisaabaadka Dawladda ee loo yaqaan (PFM), oo wax weyn ka tari
doona hagaajinta nidaamka maaliyada dalka, cashuur qaadista, kordhinta
dakhliga, beekhaaminta kharashaadka Dawladda, awoodda adeeg-bixinta, hirgelinta
mashaariicda horumarineed iyo koboca dhaqaalaha dalka.
Dadaal kasta oo la sameeyey, haddana waxa jira caqabado dhaqaale oo waaweyn oo
u baahan in si Qaran looga wada tashado. Waxaynu nahay dal aanu isku
dheeli-tirnayn dhoofintiisa iyo soo-dejintiisu.
Tusaale ahaan, sannadkii 2019-ka waxa dibedda innooga timi badeecad qiimaheedu
dhan yahay $572,713,970 oo ku qiimaysan (Customs Import – Export Value),
waxaynu dhoofinay badeecad qiimaheedu dhan yahay $211,732,852, faraqooduna waa
($360,981,118), taas oo innagu ah dhiig-bax dhaqaale.
Haddaba, si aan uga baxno dheeligaa ganacsi (Trade Imbalance) waxa aannu
dheerigalinaynaa wax-soo-saarka iyo warshadaynta dalka. Waxaana loo sameeyey
cashuur dhaaf gaadhaya qiime ahaan 15 Million oo dollar warshadaha yar-yar ee
Dalka laga yagleelayo iyo alaabooyinka qaydhin ee ay isticmaalaan warshaduhu.

2. Wax-soo-saarka Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga
Xukuumaddu waxa ay xoogga saartay dhiiri-gelinta kobaca wax-soo-saarka beeraha,
daryeelka Xoolaha iyo Kalluumaysiga. Sidaa darteed:
§ Waxa 42,000 oo saacadood
iyo shinni bilaash ah la gaadhsiiyey beeralayda Gobollada Dalka oo gaadhaya
14,000 qoys.

§ Waxa 7 Cagaf la
guddoonsiiyey Iskaashatooyinka beeraha magaalooyinka Beerato iyo Beer ee
Gobollada Daad-madheedh iyo Togdheer.

§ Waxa 4,750 Mitir oo
tuunbooyin ah iyo 85 Mishiinnada Biyaha ah la guddoonsiiyey 170 Qoys oo kala
jooga Gobollada Dalka.

§ Waxa cuduro kala duwan
laga tallaalay 3 million oo neef oo xoolo ah, waxaana ka qayb galay 38 kooxood
oo ah hawl-wadeenada caafimaadka Xoolaha ah.

§ Waxa la daweeyey
1,500,000 oo neef oo iskugu jira Adhi, Geel, Lo’ iyo Fardo.

§ Waxa calafka Xoolaha lagu
naaxiyo loo qaybiyey 19,550 qoys oo ah xoola dhaqato kala jooga Gobollada
Dalka.

§ Waxa Xukuumaddu soo
iibisay Afar doonyood oo loogu tala-galay Tababarka Kalluumaysatada Dalka.

3. Kaabayaasha Dhaqaalaha
Kaabayaasha dhaqaaluhu; sida waddooyinka, dekadaha iyo garoomada diyaaraduhu
waxay qayb weyn ka qaataan horumarka Dalka. Sidaa darteed:
§ Waxa si xawli ah u socota
ballaadhinta iyo casriyeynta Dekedda Berbera, waxaana dhammaaday 43% Wajigii
Koowaad ee dhismaha ballaadhinta Dekedda Berbera oo ka kooban 400 oo Mitir.

§ Waxa la dhisay 7% ka mid
ah Marinka Dhaqaale ee Berbera Corridor ee isku xidha Somaliland iyo Itoobiya.

§ Waxa dhawaan la bilaabi
doonaa dhismaha 22.5 KM oo waddo ah oo qayb ka ah Marinka Dhaqaalaha ee Berbera
Corridor, oo ka leexan doona Magaalada Hargeysa, si culayska iyo samxadda
gaadiidka xamuulka ah looga yareeyo Caasimadda Dalka.

§ Waxa Dawladaha Somaliland
iyo Imaaraadka Carabtu ku heshiiyeen in Madaarka Berbera laga dhigo Madaar
Caalami ah oo ay adeegsadaan Shicibka iyo Badeecadaha iskaga gooshaya Gobolka,
Qaaradda Afrika iyo Caalamkaba.

§ Waddada Burco –
Ceerigaabo waxa la dhisay 107 Km intii Xukuumaddani xilka haysay, waxaana hore
u dhisnaa 94 Km, oo isku noqonaya 201 KM.

§ Waxa la dhisay 49 Km oo
ka mid ah waddada isku xidha Hargeysa-Kalabaydh.

§ Waxa dhammaad ku dhaw
Dhismaha Biriishka isku xidha Magaalada Boorama iyo Jaamacadda Camuud.

§ Waxa dayactir ballaadhan
lagu sameeyey jidka isku xidha Laascaanood iyo Tuula-Samakaab iyo
Adhi-caddeeye.

§ Waxa dayactir ballaadhan
lagu sameeyey Biriishka labaad ee magaalada Burco oo roobabku khasaare
gaadhsiiyeen.

§ Waxa la wadaa mashruuc
casri ah oo lagu xakamaynayo xawaaraha gaadiidka. Shilalka gaadiidka oo soo
badanaya darteed, sannadkii 2019-ka waxa innagaga dhintay 274 qof.
4. Adeega Bulshada
a. Horumarinta Caafimaadka
Iyada oo laga duulayo muhiimadda uu daryeelka iyo kor u qaadidda adeegyada
Caafimaadku u leeyihiin bulshada, Xukuumaddu waxa ay xooga saartay sidii ay
dadweynuhu u heli lahaayeen adeegyo Caafimaad oo tayo leh, dhaqaale ahaana la
awoodi karo. Sidaa darteed:
§ Waxa mudnaan gaar ah la
siiyey adeegyada caafimaad ee qaybaha bulshada ee nugul, sida xarumaha
daryeelka hooyada uurka leh iyo dhallaanka.

§ Waxa si rasmi ah xarumaha
caafimaadka dawliga ah looga shaqaalaysiiyey 512 xirfadlayaal caafimaad ah oo
kala jooga Gobollada Dalka.

§ Waxa tababaro aqoon
korodhsi ah la siiyey 3,100 Xirfadlayaal Caafimaad ah, si kor loogu qaado
tayada adeegyada caafimaad ee ay bulshada JSL helaan.

§ Waxa cudurada faafa laga
tallaalay caruur tiradoodu gaadhayso 733,654 caruur ah oo da’doodu ka hoosayso
shan jir, tiradaas oo 10% ka badan caruurta la tallaalay sannadkii 2018-ka.

§ Waxa cisbitaallada,
xannaanooyinka iyo rugaha caafimaadka lagu daweeyey 526,273 qof oo iskugu jira
Bukaan-socod iyo Bukaan-jiif.

§ Waxa markii ugu horaysay
10 caruur ah loogu sameeyo qaliin dhinaca wadnaha ah magaalada Hargeysa.
Adeegaas oo dhammaantii Xukuumaddu kafaalo qaaday kharashkiisa.

§ Waxa la hirgaliyey 22
xarumo caafimaad oo cusub oo bixin doona adeegyo caafimaad.

b. Waxbarashada

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Waxbarashadu waa furaha horumarka waara iyo iftiinka nolosha badhaadaha
leh. Horumarka uu aadamuhu gaadho waxa inta badan suurto-geliyey tayada
waxbarashada ee Dal kastaa leeyahay.

Xukuumaddu iyada oo maanka ku haysa ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay
horumarka Qaranka iyo nolosha jiilka da’da yar ee dalkan:

§ Waxa la hirgaliyey
Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka, waxaana lagu bilaabay 400 oo
macallin oo ka kala yimid dugsiyada hoose/dhexe ee dalka, si loo tayeeyo
waxbarashada aasaasiga ah.

§ Waxa deeq-waxbarasho
dibadeed loo diray arday gaadhaysa 450 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada
Dalka, iyaga oo lagu xulay sida ay u kala sareeyaan dhibcaha imtixaamaadka
shahaadiga ah.

§ Waxa bishii February
2019-ka si rasmi ah u bilaabmay in arday kasta oo dhigta Dugsiyada Hoose/Dhexe
ee dawliga ahi helo buugaagta manhajka waxbarashada Dalka. Waxa sannadkan la
gaadhsiiyey 100,200 oo buug arday gaadhaysa 153,077 arday oo kala jooga
dhammaan gobollada iyo degmooyinka Dalka.

§ Waxa la shaqaalaysiiyey
400 oo macallin oo cusub, si loo kordhiyo fiditaanka adeegga waxbarashada
Dalka.

§ Waxa la dhisay 201 fasal
oo cusub oo lagu kordhiyey 102 dugsi oo ku kala yaala Gobollada Awdal,
Togdheer, Sanaag, Sool iyo Saaxil.

c. Horumarinta Biyaha
Mudanayaal iyo Marwooyin;
Waxa aynu dhammaanteen ku qanac-sanahay in biyuhu yihiin nolosha koowaad ee
Aadamaha. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxa ay dadaal dheeri ah galisay biyo
soo-saarka iyo biyo ballaadhinta magaalooyinka iyo miyiga Dalka.
§ Waxa la qoday 32 Ceel oo
ah kuwa dhaadheer.

§ Waxa la dayactiray 66
Ceel oo ah Ceelal dhaadheer.

§ Waxa sahamintooda la
dhammaystiray 33 Ceel oo ah ceelasha dhaadheer.

§ Waxa la qoday 8 Dhaam oo
cusub, waxaana la dayactiray 12 Dhaam.

§ Waxa la qoday 153
Barkadood oo cusub, waxaana la dayactiray 203 Barkadood oo hore u jiray.

§ Waxa biyo ballaadhin laga
hirgaliyey magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo Borama.

§ Waxa meel fiican oo lagu
diirsado maraya biyo ballaadhinta magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa, waxaanu
u qaybsamaa mashruucaasi laba qaybood oo kala ah, Biyo soo-saarka iyo soo
gaadhsiinta Biyaha ee magaalada Hargeysa, waxaana dhammaaday mashruucaa 80%,
qaybta labaad ee mashruucu waa biyo qaybinta magaalada gudaheeda, waxaana
dhammaaday 30%.

5. Shaqo Abuurka Dhallinyarada
Xukuumadda JSL iyada oo ogsoon muhiimadda dhalliyarada iyo ka faa’iidaysiga
xoogga dihin ee dhallinyaradu u leeyahay horumarka iyo nabadgelyada Qaranka iyo
guud ahaan Gobolka Geeska Afrika:

§ Waxa la daah-furay
Barnaamij ballaadhan oo shaqo abuur loogu samaynayo dhallinyarada JSL oo loogu
wan-qalay ‘Barnaamijka Shaqo Qaran’. Barnaamijka Shaqo Qaran waxa ka
qalin-jabiyey, oo ka faa’iidaystay dhallinyaro tiradoodu gaadhayso 1,349
dhalliyaro ah oo iskugu jirta hablo iyo wiilal. Dhammaan dhallinyaradaasi waxa
ay soo qaateen 3 bilood oo tababar iyo carbis nololeed ah, waxaanay hadda ka
hawl-galaan Hay’adaha Dawladda ee kala duwan, qaarkoodna waxa ay ku biireen
Ciidanka Qaranka JSL.

§ Barnaamijka Shaqo Qaran
waxa uu sannadkan qaadan doonaa 1,000 Dhallinyaro ah oo cusub.

§ Xukuumaddu waxa ay ku
dhawaaqday hirgalinta Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada JSL. Waxa uu noqon
doonaa Sanduuq Dhallinyaro oo madax-bannaan oo si rasmi ah uga hawl-gala dalka,
si loogu sahlo dhallinyarada leh hal-abuurka iyo curinta ganacsi ee u baahan
taageero dhaqaale oo aan lahayn dul-saar. Waxa aannu ka codsanaynaa ganacsatada
JSL in ay ka qayb-galaan dhaqaalaha Sanduuqa Dhallinyarada, isla markaana
Xukuumad ahaan waxaanu ku shubi doonaa dhaqaale joogto ah sannad kasta, haddana
waxaanu ku shubnay $200,000 Doollar ee ugu horreeyey.
Dadaal kasta oo la sameeyey, haddana waxa muuqata in shaqo la’aanta
dhallinyaradu ay aad u sarayso, taas oo khatar wayn ku ah amniga Dalka.
Daraasad Xukuumaddu samaysay waxa ay muujinaysaa in xirfadaha suuqa shaqada
dalku u baahan yahay iyo xirfadaha waxbarasho ee ay bixiyaan Jaamacadaha dalku
aanay isku dheeli-tirnayn, baahi weyna loo qabo Farsamada Gacanta. Sidaa
darteed, Xukuumaddu waxa ay xoog hayso waxa ay iskugu gayn doontaa sidii dalka
looga hirgalin lahaa dugsiyada farsamada gacanta oo leh tayo aad u saraysa oo
waafaqsan halbeegga Caalamiga ah. Waxaana la odorosayaa in 20% shaqo la’aanta
dhallinyarada ay hoos u dhigi doonto daah-furkaa cusub.

6. Amniga iyo Difaaca Qaranka

Mudanayaal iyo Marwooyin;
Xukuumaddu waxa ay ahmiyad weyn siisay adkaynta amniga iyo difaaca xuduudaha
Jamhuuriyadda Somaliland.
§ Waxa kor loo qaaday
niyadda iyo mooralka Ciidamada kala duwan ee Qalabka-sida.

§ Waxa la kordhiyey tirada
iyo tayada guud ahaan Ciidamada Qalabka-sida.

§ Waxa la soo afjaray
dhammaan colaadihii iyo shaqaaqooyinkii ka taagnaa Gobolka Sanaag.

§ Waxa 68% hoos loo dhigay
dambiyada ay dhallinyaradu ka gaystaan magaalooyinka, iyada oo la fulinayo
Qorshaha Farsamo ee dhinaca adkaynta ammaanka ee heer Gobol iyo heer Degmo.

§ Waxa iskaashi amni lala
sameeyey dalalka dariska ah, waxaana hoos loo dhigay dambiyada iskaga gudba
xadadka.

§ Waxa la dhammaystiray,
lana ansixiyey Xeerka Hawl-gabka iyo Xaq-siinta Ciidamada Qaranka. Xeerkaas oo
sida magaciisa ka muuqata dhammaystiraya xuquuqda iyo xaqa Ciidamada
Qalabka-sida.

§ Waxa la dhammaystiray
Cisbitaalka Ciidanka Qaranka oo siin doona adeeg caafimaad oo hufan dhammaan
Ciidamada Qaranka.

§ Iyada oo laga jawaabayo
baahida Ciidamada Qaranka iyo Shaqaalaha Dawladdu u qabaan in ay helaan dhul ay
dagaan, waxa Xukuumaddu go’aan ku soo saartay in dhulka Danta Guud ah qayb
laxaad leh looga diyaariyo Ciidamada Qalabka-sida iyo Shaqaalaha Dawladda JSL.
Guulahaa laga gaadhay sugidda amniga Qaranka, waxa suurtagaliyey Ciidammada
Qalabka-sida ee mar walba heeganka u ah hirgalinta iyo ilaalinta Qaranimada
JSL. Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa dhammaan Ciidamada Qaranka
JSL iyo qoysaskooda iyo caruurtooda, waxaanan leeyahay, waxaad tihiin Halyeeyo
Qaranka u suntan.

7. Abaaraha iyo Isbeddelka Cimillada
Isbeddelka Cimilladu waa xaqiiqo raad muuqda ku leh adduunka iyo gaar ahaan
dalkeena Somaliland. Waxaynu aragnay abaaro soo noq-noqday iyo roobab
xilligoodii Eebbe looga bartay ka soo hor-maray. Arrintaasi waxay saameyn ku
yeelatay hab nololeedkii dadka, duunyada iyo deegaanka. Haddaba Xukuumaddu:

§ Waxay dhistay Xarunta
Kaydka Raashinka Qaranka, oo xarumo ku yeelan doona dhammaan Gobollada Dalka.

§ Waxa 600 oo qoys oo kala jooga
Gobollada Awdal, Salal, Gabiley iyo Saaxil oo ay xoolo tirtay Duufaantii Saqar
loo sameeyey dib u xoolayn, waxaana qoys kasta la siiyey 15 neef si ay dib ugu
laabtaan noloshoodii caadiga ahayd.

§ Waxa agab iyo raashin la
gaadhsiiyey 28,200 oo qoys oo ku barakacay abaaraha sannadihii hore.

§ Waxa shaqo loo abuuray
ama lacag caddaan ah la siiyey 11,000 oo qoys oo kala jooga Gobollada Dalka.

§ Waxa Xukuumaddu dalka dib
ugu soo celisay dhallinyaro tiradoodu gaadhayso 460 dhallinyaro ah oo hore
dalka uga tahriibay, waxaana loo sameeyey barnaamij dib u dajin ah.

8. Dooarshooyinka

Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida uu dhigayo Dastuurka JSL, shantii sanno ee kasta waa in Shacabka JSL u
dareero doorasho uu ku soo doorto Golayaasha iyo Hoggaanka Dalka. Muddadii labada
sanno ahayd ee Xukuumaddu xilka haysay, waxa ay dadaal ugu jirtay sidii
doorashooyinkii Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanku u qabsoomi
lahaayeen. Waxaanu diyaarinay kharashkii lagu gali lahaa doorashooyinka
isku-sidkan, wixii kaga aadanaa Xukuumadda.
Xisbiyada Mucaaradka ah laba sanno waxa ay diidanaayeen in uu doorasho qabto
Komishankii jiray. Markii wakhtigiisii dhammaaday, waxa la soo magacaabay
Komishan cusub oo soo maray jaran-jarooyinkii sharci ee loo baahnaa. Hase
yeeshee, labada Xisbi Mucaarid ayaa haddana diiday in ay doorasho qabtaan
Xubnihii Komishanka doorashooyinka Qaranka ee ay ansixiyeen Golaha Fulinta iyo
Golaha Wakiillada, Maxkammadda Sarena dhaarisay.
Mar haddii laba sanno oo hore ay inagaga lumeen muranka Xisbiyada Mucaaradka ah
ee aan sharciga ku fadhiyin, jidka kaliya ee innoo furan maanta, waa in aan soo
hor-marino furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka.
Waxa aan idiin soo gudbin doonaa dhawaan Kaabista iyo Wax-ka-bedelka Xeerarka
arrintaasi khuseeya, waxaanan rajaynayaa in aad waajibaadkiina dastuuriga ah ka
gudan doontaaan.

9. Siyaasadda Arrimaha Dibedda
Mudanayaal iyo Marwooyin;
Siyaasadda Arrimaha Dibedda Jamhuuridda Somaliland waxa sal-dhig iyo gun u ah
nabadgelyo, daris-wanaag, is-xaq-dhawr laba dhinac ah iyo iskaashi
dhaqan-dhaqaale oo dhex-mara dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.
a. Ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland
Siyaadda Arrimaha Dibedda Somaliland ee ku waajahan ictiraaf raadintu waxa ay u
qaybsantaa laba waaxood oo waaweyn oo kala ah: In Qaddiyada Somaliland
garowshiiyo ka hesho Adduunka, iyada oo mudnaanta la siinayo Qaaradda Afrika
iyo In Wada-hadal ku dhisan garnaqsi iyo kala-gurasho lala galo Soomaaliya oo
ah dalkii labaad ee Jamhuuriyaddii Somaliland la midowday 1960-kii.
Sidaa darteed, Xukuumadda oo garowsan in qadiyada Somaliland ay tahay arrin
go’aankiisu u yaallo Qaaradda Afrika, waxa ay dadaalo xoog badan galisay in
Somaliland ku yeelato saaxiibo cusub Qaaradda Afrika iyo in socdaalo
diblomaasiyadeed lagu gaalaa bixiyo dalalka Qaaradda Afrika. Sidoo kale,
Qadiyadda Somaliland waxa ay noqotay Qodob ka mid ah qodobbada Midowga Afrika
uu mudnaanta koowaad siinayo, kadib dadaaladii Xukuumaddu ka samaysay shirkii
Midowga Afrika ee ugu dambeeyey.

Somaliland iyo Soomaaliya

Walaalayaal,

Waxaynu wada ogayn in wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya muddo hakad
ku jireen. Hase yeeshee, 11-kii Bisha February 2020, ayaa aniga iyo
Madaxweynaha Soomaaliya, si kedis ah ugu kulannay magaalada Addis Ababa ee
Dalka Itoobiya.

09-kii February 2020, waxaan safar shaqo ugu baxay magaalada Addis Ababa
ee dalka Itoobiya, si aan u xoojiyo wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha
Dibedda, oo ka ololaynayey wufuudii Shirka 33-aad ee Midowga Afrika iskugu
timi. 11-kii Bisha February 2020, waxa igu marti-qaaday Xafiiskiisa Ra’iisal
Wasaaraha Dalka Itoobiya, Dr. Abiye Ahmed. Salaan, soo dhawayn iyo kulan kooban
kadib, waxa uu ii sheegay in Madaxweynihii Soomaaliya uu isna soo galayo
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha in yar kadib. Halkaa ayuu ka bilaabmay kulan kedis ah,
oo saddex geesood ah, oo aan hore loo sii qorshayn, oo dhexmaray saddexdayada.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxa uu soo jeediyey in uu dhex-galo
dhibaatada dhex-taala labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya,
maadaama ay tahay qadiyad ka aloosan Gobolka Geeska Afrika, oo uu Ra’iisal
Wasaaruhuna u ololeeyo nabadda, horumarka iyo Iskaashiga Gobolka Geeska Afrika.
Dabcan, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ah shakhsi ku guulaystay Abaal-marinta
Nabadda Adduunka ee (Noble Peace Price), isla markaana hoggaamiya dalka labaad
ee ugu dadka badan Qaaradda Afrika; Somaliland ahaan waanu aqbalnay soo
jeedinta Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya. Kulanku intaas ayuu ku ekaa. Waxa loo
ballamay in faah-faahinta iyo ajendaha la galo wixii intaa ka dambeeya. Waxa
jira Dawlado kale oo iyaguna hore ugu hawlanaa wada-hadalka Jamhuuriyadda
Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, kulanka Ra’iisal Wasaaraha lagagama
wada-hadal wax tafaasiil ah oo ku saabsan cidda ka qayb noqon doonta
wada-hadalka, waxaanu ku koobnaa kulankaasi soo-jeedin iyo aqbalaad.

13-kii February 2020-ka, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Raali-gelin ka
bixiyey xasuuqii ay Dawladdii Somali Democratic Republic u gaysatay Shacabka
Somaliland. Marka laga reebo weedha ah, ‘Kuwii Qoryaha Qaatay, iyagana
cudurdaar ayaa laga rabaa’, taas oo ah in dambiga loo qaybiyo Dawladdii
dhagarta gaysatay iyo shacabkii ka dhiidhiyey Xasuuqa ay Dawladdu waday, waan
soo dhawaynayaa raali-galinta, waana tallaabo fiican oo loo qaaday dhinaca
nabadda.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ahayd 73 sanno Maxmiyaddii Boqortooyada
Ingiriiska (British Somaliland Protectorate). Waxa ay xorriyadeedii heshay 26
June 1960-kii. Waxa ay noqotay Dawladdii 15-aad ee xorriyadeeda hesha Qaaradda
Afrika, waxaana aqoonsaday 35 dawladood, oo ay ku jiraan kuwa ugu waaweyn
adduunka.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay kula midowday Soomaaliya hal shardi oo
kaliya. Kaas oo ah in la helo shantii Soomaaliyeed oo midowda. Taasna 31 sanno
oo la raadinayey, waa la waayey.

Madaxweynihii Somali Democratic Republic ee wakhtigaasi waxa uu si rasmi
ah uga noqday raadintii midnimada Soomaali weyn daba-yaaqadii Qarnigii tagay,
waxaanay ku cad yihiin shirarkii uu ku galay magaalooyinka Jabuuti iyo Addis
Ababa.

Walaalayaal, waxa xusid mudan in Midowgii labada Dal ee 1960-kii aannu
marna noqon mid dhammaystiran dhinaca sharciga Caalamiga ah.

20-kii June 1961-kii, markii dastuurkii midnimada loo qaadayey aftida, 68%
shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waa uu diiday Dastuurkaa. Taasina waxay
caddaynaysaa in aanu jirin sharciyad midnimadu ku fadhido, sida uu ka marag-furay
Aqoonyahan Mr. Paolo Contini.

Inqilaabkii fashilmay 10-kii December 1961-kii ee Saraakiisha Reer
Somaliliand ku kaceen, markii la xidhay, Maxkamaddii uu guddoominayey Mr. Hazel
Wood, wax dambi ah wey ku weyday, waayo waxa la waayey sharci ay ka hor
yimaadeen, maadaama Xeerkii Midnimadu aanu dhammaystirnayn, waxaana la sii
daayey May 1963-kii.

Dawladdii ugu horaysay ee la dhisay 1960-kii, Golaha Wasiiraddu waxa ay
ahaayeen 14 Wasiir, waxaana Somaliland laga siiyey 3 Wasiir. Golihii
Baarlamaanka ee lagu midoobay, 26.8% kaliya ayaa Somaliland laga siiyey.

Mashaariicdii horumarineed iyo Deeqihii Bulshada Caalamku siisay Somali
Democratic Republic, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka heshay 7%.

Lixdii Degmo (Hargeysa, Boorama, Burco, Berbera, Laascaanood iyo
Ceerigaabo) ee Jamhuuriyaddii Somaliland ka koobnayd 26 June 1960-kii, waxa
laga dhigay Laba Gobol oo kaliya. Lixdii Degmo ee Koonfurta (Majeerteeniya,
Mudug, Hiiraan, Banaadir, Jubada Hoose iyo Jubada Sare), waxa laga dhigay Lix
Gobol.

Dagaalkii 1977-kii, ee dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, oo culayskiisu
ku dhacay Somaliland, 11 Xero oo ay ku jiraan 400,000 Qaxoonti ah, ayaa laga
dhisay Gobollada Somaliland. Taas oo culayskeeda lahayd dhaqaale ahaan, bulsho
ahaan iyo deegaan ahaanba.

6 April 1981-kii, waxa lagu dhawaaqay Ururkii SNM, si loo raadiyo
Qarannimadii Jamhuuriyadda Somaliland ee luntay 1960-kii.

1988-kii, duulaankii Dawladdii Soomaaliyeed ku qaaday Shacabka Somaliland
waxa uu ahaa mid loo adeegsaday dayuurado, madaafiic, taangiyo iyo gaasas
ciidanka lugta ah.

Waxa la dumiyey oo si cadawtinnimo ah dhulka loola simay magaalooyinkii
waaweynaa ee Somaliland. Waxa lagu xasuuqay in ka badan 50,000 oo qof maalmo
gudahood. Waxa ilaa hadda la xaqiijiyey 43 Xabaalo-wadareedyo ku kala yaalla
Gobollada Somaliland. Boqolaal sanno dadku hantidii ay tabcadeen ayaa maalmo
gudahood lagu baabiiyey.
Waxa u qaxay dalalka jaarka in ka badan 600,000 oo qof, oo intooda badan xeryo
looga ooday Bariga Itoobiya. In ka badan 400,000 oo qof ayaa u kala firxaday
daafaha Adduunka.

2001-dii Hay’adda Dhawrista Xuquuqul Iinsaanka u qaabilsan Qaramada
Midoobay (United Nations High Commissioner for Human Rights) oo kaashanaysa
Kooxdii Xidhiidhka iyo Isku-dubaridka Qaramada Midoobay u qaabilsanaa
Soomaaliya (UNCU) baadhitaan ay ku sameeyeen wixii ka dhacay Somaliland
1988-kii ilaa 1991-kii, waxay xaqiijiyeen in uu ka dhacay Xasuuq Bini-aadam oo
dawladdu u gaysatay shacabkeedii.

Khilaafkii ka dhashay qaloocintii Xeerka Midawga labada Dal iyo nidaamkii
awood qaybsiga labada Dal iyo Tacadiyadii loo gaystay Shacabku, waxa ay keentay
in ay dunto 1991-kii Jamhuuriyaddii Somali Democratic Republic ee ka unkantay
midawgii labada Dal 1960-kii.

18-kii May 1991-kii, ayey Jamhuuriyadda Somaliland ka baxday, iyada oo
isku-duuban, midnimaddii Soomaaliya ee lagu hungoobay, ee aan sharciyaddeedu
dhammaystirnayn.

Soddonkaa sannadood Jamhuuriyadda Somaliland waxay ahayd Qaran iskii u
madax-banaan, balse nasiib darro, intaaba Soomaaliya waxay ka dagaalamaysay in
Qarannimada Somaliland hirgasho.

Intii ay jirtay Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed
Cabdillaahi Farmaajo waxay qaaday tallaabooyin cadawtinnimo oo kala ah:

1. Hor-joogsiga mashaariicdii horumarinta; oo ay ugu weynayd dagaalkii ay
ka gashay dhismaha Dekedda Berbera.

2. Hor-joogsigii Sanduuqii mashaariicda horumarinta ee u gaarka ahaa
Somaliland (Somaliland Special Arrangement).

3. In keligeed Dawladda Soomaaliya qaadatay Deeqaha Waxbarasho, Dhaqaale
iyo Ciidan ee caalamku ku bixiyeen magacii Dawladdii Soomaaliyeed ee burburtay.

4. Fulin la’aanta Heshiiskii Habka Maamulka Hawada Sare ee ay saxeexeen
Madaxweyne Silanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

5. Isku daygii hor-joogsiga adhigii Xajka ee ka dhoofayey Dekedda Berbera.

6. La-dagaalanka dawlad kasta oo milgo iyo maamuus u muujisa Jamhuuriyadda
Somaliland, sida tii ka dhacday Gini Konnaakari.

Intaas oo qodob iyo qaar ka sii daran iyaga oo ay jiraan, haddana waxaanu
aaminsanahay in dhibaatada dhex-taala labada Dal lagu dhammeeyo wada-hadal iyo
nabad.

Waxa muuqata in la gaadhay wakhtigii ay Soomaaliya garwaacsan lahayd xalka
kaliya ee lagu heli karo nabadgelyo iyo iskaashi laba Dal oo walaalo ah.
Xalkaasi waa laba Qodob:

1. In Soomaaliya xurmayso xaqa ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay
go’aankii 18 May 1991-kii ay kaga noqotay Midowgii aan sharciga ku dhisnay.

2. In Soomaaliya si buuxda u garwaaqsato in aqoonsiga Qarannimada
Jamhuuriyadda Somaliland yahay xalka qudha ee lagu heli karo wanaag iyo
wax-wada-qabsi dhexmara labada dal.

Hadal haynta imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya ee Hargeysa, suurtagal
maaha, mana ogolin. Sababtoo ah, sharciga Caalamiga ah, curfiga Dawladnimo iyo
caqliga saliimka ahiba, waxay isku raacsan yihiin in aanu Madaxweyne Dalkiisu
gaystay dambiyada iyo xasuuqa intaa leeg, in aanay suurtagal ahayn in uu
booqasho ugu tago dadkii iyo dalkii dambiyada loo gaystay. Madaxweynaha
Soomaaliya waxa uu iman karaa kaliya Jamhuuriyadda Somaliland marka uu ictiraafo
Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Hadal haynta imaatinka Madaxweynaha
Soomaaliya iyada oo ay duruufahaasi jiraan, waxay jawaabteedu noqonaysaa,
gabaygii Faarax Nuur ee ahaa:

‘Qosol Been Ah, Fool Wada Qayaxan, Qiil aan Garanaayo,
Booraan Afkii laga Qafilay, Qabarna Hoos Yaalo,
Doqon baa Halkii Lagu Qatali, Qoorta Soo Dhigane,
Ma Anigaa Middiyo La ii Qarshaa, La igu Qali Doono,
Qoontiiba Lama Baananine, Qire Yaraa Nabaddu,
Waar yaadha Kala Quusanaye Qoomamo la’aada’.

JAMHUURIYADDA SOMALILAND, HA NOOLAATO.
JAMHUURIYADDA SOMALILAND, HA WAARTO

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial