Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Koox Kubadda Cagta Ah Oo Kusoo Guulaystay Tartan Lagu Qabtay Jabuuti

Hargeysa, December 7, 2020 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay kooxda kubbadda cagta ee xaga maqalka ama dhegoolayaasha oo kasoo jeedda gobolka Awdal, kuwaas oo kusoo guulaystay tartan ka qabsoomay dalka aynnu deriska nahay ee Jabuuti.

Kooxdan oo guul toddoba gool iyo Eber ah kasoo hoysay ciyaar kama dambays ahayd oo ay la yeesheen koox ka dhisan dalka Jabuuti, ayuu madaxweynuhu qaabilay iyaga oo sita koobkii ay kusoo guulaysteen, waxana uu ku ammaanay dedaalka ay ku hanteen guushaas ay kor ugu qaadeen magacii qarankooda iyo koodiiba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kooxdan soo guulaysatay ku bogaadiyey dedaalka ay sameeyeen iyo guusha ay soo hooyeen, waxana uu sheegay inay qaran ahaan libin iyo wax lagu dhaato u tahay guusha ay kooxdani kasoo hoysay tartankii lagu qabtay dalka Jabuuti, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waan idin soo dhaweynayaa, waan idin hambalyeynayaa, waan idiin ducaynayaa, waannu idinku faanaynaa, waana idinku dhaadanaynayaa, aad iyo aadna waanu ugu faraxsannahay sida aad wax usoo qabateen, kartidiina iyo sharaftiina.”

Madaxweynuhu waxa uu ammaanay awoodda iyo hibada ku lammaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo sida ay waajibka u tahay inuu qaranku uga faa’iidaysto, isaga oo kula dardaarmay inay sii laban-laabaan dedaalkooda iyo soo bandhigidda awoodahooda qarsoon.

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed, ayaa isaguna dhankiisa hambalyeeyey kooxdan xaga maqalka ama dhegoolayaasha ah oo marka horeba ahayd horyaalka kubbadda cagta ee kooxaha dhegoolayaasha ee ku dhaqan gobollada dalka. Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqay qaabilaada uu ku qaabiley iyo dhiirigelinta uu u muujiyey dadka baahiyaha gaarka ah qaba guddoomiyaha horyaalada heerka koowaad ee Somaliland, Mudane Samaroon Cabdilaahi Cilmi, gudoomiye ku xigeenka dadka bahiyaha gaarka ah qaba mudane Geelle Rashiid Xuseen iyo kabtanka kooxda ku soo guulaysatay koobkii jabuuti u qabatay kooxaha dhegoolayaasha, Kabtan Sayid Maxamed Axmed. Wa-bilaahi Tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*