Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somalia

Hargeysa, (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse
Biixi Cabdi ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobay u
qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan oo socdaal ku jooga Hargeysa.

War-saxaafadeed Madaxtooyadu ka soo saartay kulanka dhex
maray Madaxweynaha iyo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa isagoo
dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane
Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan
oo uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u
qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador James Swan.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga uu hoggaaminayo
wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan
Somaliland iyo Soomaaliya oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada,
ayaa  diirradda lagu saaray arrimo door
ah oo salka ku haya xidhiidhka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo qaramada
midoobay  u dhexeeya iyo dareenka ay
Somaliland ka qabto kaalinta ay qaramada midoobay iyo beesha caalamkuba kaga
jiraan horumarka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga
caalamiga ah  Prof. Yaasiin Xaaji
Maxamuud Xiir (Faro-toon) oo markii kulanku soo dhammaaday saxaafadda la
hadlay, ayaa shaaciyey in madaxweynuhu wakiilka qaramada midoobay u guntay
farriimo kala duwan oo la xidhiidha horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay
muddadii ay jirtay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“waxyaabo
badan baa kulanka lagaga wada hadlay, arrimo badan baa la isla soo qaaday oo ay
madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen, arrimaha ugu muhiimsanna waxa kamid
ah waxa ay Somaliland u gudbisay wakiilka inuu xoghayaha guud ka gaadhsiiyo
farriimo ay kamid yihiin in muddo Soddon sanno ah ay Somaliland hanatay oo ka
shaqaysay qaddiyaddeeda iyo madax-bannaanideeda oo ay danaheeda dhammaamtood
iyadu gacanta ku hayso, haddii ay tahay dhulkeeda, baddeeda, hawadeeda iyo
maamulkeedaba, mid walbana ay ku guulaysatay inay ka shaqayso nabaddiisa iyo
xasiloonidiisa.”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata uu hoosta ka
xarriiqay in xukuumadda Somaliland ay muujisay walaaca ay ka qabto kaalmada ay
qaramada midoobay iyo dalalka kale ee caalamkuba bixiyaan iyo sida ay qaran
ahaan u saluugsan tahay, “Waxa kale oo aanu wakiilka ka codsannay inuu farriin
ahaan u gudbiyo xoghayaha qaramada midoobay in saluug weyni nagaga jiro
waxtarka, dhaqaalaha iyo deeqaha laga helo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo
dalalka kale ee caalamka ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ku jira, haddii ay
tahay dhinaca  dhisidda kaabayaasha
dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo caawinta iyo arrimaha ay bulshadu u baahan tahay
ee waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha uu mid walba saluug badani nagaga jiro
waxtarka caalamka,” ayuu yidhi wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir.

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay inay ergayga u
xaqiijiyeen inay Somaliland ka gudubtay dhammaanba wixii khilaaf ahaa,
islamarkaana ay ka dhammaysatay wixii khilaaf ahaa ee dhexdeeda ka jirey, isaga
oo madaxweynuhu u sheegay wakiillka inay Somaliland diyaar u tahay inay la
garnaqsato Soomaaliya oo kala dooddo arrimaha masiiriga ah.

Dhinaciisa, 
wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ambassador James
Swan oo isaguna kulanka kaddib warbaahinta la hadlay waxa uu caddeeyey inay
qaramada midoobay ka go’an tahay inay sii wadaan hawlaha shaqo iyo
mashaariicda  ay ka wadaan gudaha
Somaliland, islamarkaana ay xukuumadda Somaliland uga mahadnaqayaan sida
habsamida leh ee ay u wada shaqeeyaan.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey
madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga
caalamiga ah iyo horumarinta maaliyadda..”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial