Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Meelmariyey Cayimmaada Maalinta Doorashooyinka Isku-sidkan Qabsoomayso

Hargeysa, February 3, 2021(Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 12/022021 uu maanta ku meel mariyey Cayimaadda maalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 12/022021

Cayimaadda Muddada Doorashooyinka

Markaan Arkay: Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Arkay: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/002/2021, kuna taariikhaysan 16/01/2021, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay Ref: GG/JSL/KC/G-01/02/2021, kuna taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna tahay Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial