Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Safiirka Dalka Denmark Amb. Ole Thonke

Hargeysa, January 26, 2021 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qaabilay safiirka dalka Denmark, Amb. Ole Thonke oo dalka ku yimid safar shaqo.

Waxaana Kulankaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo taas oo ay soo jeediyeen inay dalka ka qabsoonto 31/05/2021. Ka dib markii ay cayimeen komishanka doorashooyinka qaranka, kuna raaceen saddexda xisbi qaran loona gudbiyey golaha guurtida Somaliland.

Sidoo kale, waxa kulanka lagu lafo-guray horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca dimuquraadiyadda iyo arrimaha bulshada, sanduuqa horumarinta Somaliland ee (Somaliland Development Fund) oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay dawladaha ku midoobay iyo horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga yaryar.

Waxaanu safiirku xusay inay ka dal ahaan halkii ka sii wadi doonaan dhaqaalihii ay horeba ugaga qayb qaadan jireen arrimaha bulshada iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ka socda.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxwweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, dawladda Denmark uga mahadnaqay dedaalka iyo garab istaagga ay Somaliland la barbartaagan tahay marwalba, gaar ahaan sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) loo soo gaabiyo oo ay dawladda Denmark qayb weyn ku leedahay kaalmada ay midowga yurub isugu geeyeen sanduuqaasi. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Denmark inay ka mid noqotay dalalkii ugu horreeyey ee Somaliland ka furta xafiis ka shaqeeya danaha labada dal.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*