Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Ugu Hambalyeeyey Curashada Sanadka 2020

Hargeysa, (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey curashada sanadka cusub ee 2020, sida lagu sheegay War-saxaafadeed qoraal ah oo maanta ka soo baxay Madaxtooyada oo u dhignaa sidan;-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi, waxa uu curashada Sannadka Cusub ee miilaadiga 2020-ka awgeed, sannadka
Hijriga 1441-ka kuna beegan Arbacada 01/01/2020-ka uu Hambalyo u dirayaa
dhammaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta beesha caalamka.

Madaxweynuhu mar labaad waxa uu Munaasabada Sannadka
Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu Hambalyo iyo Salaan u
dirayaa dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Goleyaasha Qaranka iyo guud
ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku kala nool yihiin.

Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland
Alle uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo,
bash-bash iyo Horumar, inta xanuusanaysana ka dulqaado xanuunka uguna bedelo
caafimaad taama. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu
Shucuubta Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2020-ku noqdo kii ula kowsada
nabadgelyo iyo xasillooni buuxda.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial