Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Socdaal Dhulka Ah Kaga Yimid Djibouti, Laguna Soo Dhaweeyey Gobolka Salal

Lawyacado, December 28, 2020 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa soo gaadhay Magaalada Lawyacado oo ku taala xadka labada dal Ee Somaliland iyo Jabuuti kadib markii uu socdaal dhinaca dhulka ah kaga soo amba baxay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Biixi oo todobaadkan socdaal shaqo ku joogay dalka Jabobuuti, kaas oo maanta ka soo amba-baxay, markii uu soo  gaadhay gobolka Selel ee Somalilandna waxa si diiran u soo dhaweeyey shacabka gobolkaasi oo wadooyinka la taagnaa Boodhadh, Caleemo qoyan iyo Calanka Somaliland oo ay ku soo dhaweynayaan Madaxweynaha.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu socdaal dhinaca xeebaha ah uu ku soo maro xeebaha galbeedka Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*