Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Tabobar U Furay Dufcaddii Ugu Horraysay Ee Loo Carbinayo Saraakiil Ciidan

Darar-weyne, (Haatuf) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta deegaanka Darar-weyne ee duleedka
magaalada Hargeysa ka daah-furay mashruuc ballaadhan oo lagu tabobarayo
dufcaddii ugu horraysay ee loo carbinayo inay noqdaan saraakiil ciidan oo
wiilal iyo gabdho Jaamiciyiin ah ka kooban.

Munaasibadda lagu furayo tabobarkan oo ka dhacday
kulliyadda tabobarka saraakiisha ee Cabdilaahi Askar, ayaa waxa madaxweynaha
kala qaybgalay taliyayaasha kala duwan ee ciidamada Booliska, Militeriga, Badda
iyo Asluubta, wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, waxana laga jeediyey hadallo
lagu dhiirrigelinayo saraakiisha da’da yaryar ee la filayo inay halkaas kasoo
aflaxaan oo qaybo ka mid ahi yihiin ardaydii dhawaan ka baxday Barnaamujka
shaqo qaran ee dhinaca ciidamada u baydhay.

Qaar kamid ah saraakiisha dhinaca Tabobarrada u qaabilsan
ciidamada qaranka iyo saraakiisha madaxda ka ah kulliyada tabobarka oo halkaas
ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay hoggaan ahaan u galeen in dalka laga
hirgeliyo mashruuc lagu carbinayo da’yarta jaamacadaha kasoo baxday ee loo
carbinayo sarkaalnimada, waxana ay shaaciyeen inay diyaariyeen dhammaanba
qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada ee dhallinyaradaasi u baahan yihiin iyo
macallimiintii laylin lahayd saraakiishaas da’ da yar.

Taliyaha ciidamada militeriga Jamhuuriyadda Somaliland,
Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ugu horrayn madaxweynaha uga mahadnaqay
fikirka uu curintiisa leeyahay ee lagu carbiyey dhallinyaradii Barnaamujka
Shaqo qaran ee qaybo kamid ahi haatan ku jiraan saraakiisha la laylinayo,
waxana uu dhallinyarada kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan tabobarka ay
nasiibka u heleen, una dhabar adaygaan sidii ay u dhammaysan lahaayeen.

Taliyuhu waxa uu nasiib iyo hoodo gaar ah ku tilmaamay in
saraakiisha cusubi dalkooda dhexdiisa ku helaan dhammaanba qaybihii kala
duwanaa ee waxbarashada, sida dugsigii Hoose, kii dhexe, kii sare, Jaamacaddii
iyo kulliyaddii tababarka saraakiishaba.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani
Maxamuud Caateeye Fariid, ayaa isaguna dhankiisa guul qaranku gaadhay ku
tilmaamay in dhallinyaro aqoon leh oo jaamiciyiin ahi kusoo biireen ciidamada
kala duwan ee qaranka, islamarkaana dalkooda gudihiisa loogu carbinayo
Sarkaalnimo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi, ayaa dhallinyarada cusub ee loo carbinayo saraakiisha u jeediyey khudbad
dheer oo la xidhiidha hawlaha sugaya, muhiimadda iyo karaamada ku jirta inuu
qofku kamid noqdo ciidamada kala duwan ee qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in
saraakiisha cusub ee loo carbinayo saraakiishu ay haystaan jidkii qaranka lagu
ilaalin lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaad
bilaabaysaan jidka ah aniga naftaydu waa inay ilaalisaa qaranka iyo danihiisa
oo ay khatar walba u badheedhaa qof aan taas yeelinina garaaddona ma qaato
askarina ma noqdo oo waa is yeel yeel uun.”

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu kormeer ku sameeyey
goobaha hurdada, cuntada iyo waxbarashada ee loo diyaariyey saraakiisha
dhallinyarada ah ee loo carbinayo saraakiisha iyo xarun loo dhisay
dhallinyarada shaqo qaran oo aaggaas ku taalla.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial