Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo U Ambo-baxay Dalka Itoobiya

Hargeysa, Febr-9, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti balaadhan oo uu
hoggaaminayey ayaa galabta safar shaqo ugu baxay dalka Itoobiya, safarkaas oo
qaadan doona maalmo kooban.

Waxaana ka warbixiyey ujeedada safarka afhayeenka
madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo sheegay in safarkani
la mid yahay safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka
iyo dalalka aynu jaarka nahay, waxaanu yidhi afhayeenku “waxa uu madaxweynuhu
halkaasi kulamo kula yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika, waxaana
magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga
caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaasi ka waday hawlo
diblumaasiyadeed”.

Sidoo kale waxa uu afhayeen Maxamuud Warsame sheegay in
safarkan madaxweynuhu xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee wasiirka
arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahi halkaasi uu u joogay muddooyinkii
u danbeeyey, safarkan madaxweynuhu waxa uu qaadan doonaa muddo kooban waxaana
ku wehelinaaya madaxweynaha safarkan xubno ka mida golaha wasiirada oo ay ka
mid yihiin wasiirada Horumarinta Beeraha, Axmed Muumin Seedi, Xannaanada Xoolaha
iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed, Xidhiidhka golayaasha iyo
arrimaha dastuurka, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo La-taliyaha madaxweynaha ee
arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Axmed.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial